Saturday, July 27, 2024

Dhul-gariir ka dhacay Jabuuti

Jabuuti (Dawan)- Dhul-gariir lagu qiyaasay 4.7 ayaa subaxnimadii maanta ka dhacay xeebaha dalka Jabuuti.
Dhul-gariirkaan oo ka dhacay meel 16 KM dhanka waqooyi ka xigta caasimadda Jabuuti, ayaa sidoo kale laga dareemay magaalooyin ka mid dalka Yemen.

Ma jiro wax khasaare ah oo laga soo weriyay inuu ka dhashay dhul-gariirka.
Wasaaradda waxbaarashada ee dalka Jabuuti ayaa fasaxday dhammaan goobaha waxbarashada, sida ay sheegtay BBC Somali.

8-dii Sebtembar, dhulgariir lagu qiyaasay 7 ayaa ku dhuftay dhowr magaalo oo ka tirsan dalka Morocco waxaana ku dhintay 2,946 oo qof halka uu dhaawac kasoo gaaray dad kor u dhaafaya 6,125.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here