Saturday, July 27, 2024

Kenya oo sheegtay in aysan hadda qorshaha ugu jirin dib u furista xadka Soomaaliya

Nairobi (Dawan)- Dowladda Kenya ayaa sheegtay in aysan hadda qorshaha ugu jirin in dib loo furo xuduudka ay la wadaagto Soomaaliya, sababo la xiriira saameynta amni ee ka dhalan karta, iyada oo howlgalka nabad ilaalinta Midowga Afrika ee Soomaaliya uu marayo meel gabagabo ah, sida uu sheegay Xoghayaha arrimaha gudaha Raymond Omollo.

Hadalka Omollo ayaa ku soo beegmaya sagaal bilood ka dib markii ay wasiirka arrimaha gudaha Kenya Kithure Kindiki, iyo Wasiirka amniga Soomaaliya ee xilligaas, Maxamed Axmed Sheekh Cali ay ku dhawaaqeen inay doonayaan in dib loo furo xadka ka dib wada tashiyo heer sare ah oo ka dhacay Nairobi, si loosoo afjaro 12 sano oo xannibaad ah oo soo bilaabatay 2011.

Kenya ayaa sheegtay in ay adagtahay in la sugo amniga iyo xasiloonida xadka ay wadaagaan labada dal oo ka badan 800 oo kilometer.

“Xaaladda Soomaaliya waa mid gaar ah sababtoo ah waxaa ka jira caqabado badan gaar ahaan argagixisada, laakiin markaad eegto xadka dheer, waa caqabad kale. Qorshe ayaan wadnay, walina waan wadnaa qorshooyinka aan ku fureyno dhowr meelood oo soohdinta ah ee Soomaaliya, uma maleynayo hadda laakiin waan sameyn doonaa xitaa anagoo tixgelinayna caqabadaha amni-darrada ah ee ay tillaabadan keeni karto” ayuu yiri Omollo.

Inkasta oo adagtahay in si rasmi ah la isaga gudbo xuduudka labada dal hadana waxaa jira dhaq dhaqaaqyo u dhaxeeya Kenya iyo Soomaaliya, gaar ahaan dhanka hawada, iyadoo maalin kasta ay duulimaadyo isaga gooshaan Nairobi iyo Muqdisho.

Arrintaan ayaa kusoo aadeysa iyada oo ugu yaraan lix qof oo Kenyan ah lagu dilay jimcadii lasoo dhaafay weerar ay kooxda Al-shabaab ku qaaday magaalada Dhoobley ee xuduudka Soomaaliya iyo Kenya.

Lixda qof ee la dilay ayaa dhamaantood ahaa ganacsato Kenyaan ah oo ka ganacsan jiray inta u dhaxeysa Kenya iyo Soomaaliya, sida ay sheegtay warbaahinta gudaha Kenya.

Kenya ayaa ka mid ah dalalka ay ciidamada nabad ilaalinta ah (ATMIS) ka joogaan Soomaaliya, kuwaas oo kaalin weyn ka qaata dagaalka ay dowladda Soomaaliya kula jirto kooxda Al-shabaab.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here