Monday, June 9, 2025
Array

Diiwaan Gelinta Codbiyayaasha Doorashooyinka iyo Hotelada.

Shidanaaba shidan, loo joojin maayo, iyo bartii yaqaan bari uma kororto, waa erayo badanaa la adeegsado xilliyada doorashada ee soo dhawdahay. Laakiin maanta waxa kala heysta Gudiga Doorashooyinka Qaranka iyo mucaaradka waa taas oo ficil ah. Bal suureyso, adigoo jaamacad la yaaban, in hoteel iyo maqaayad ay ka bilaabato diiwaangelinta codbixiyayaasha.

Mucaaradka ayaa hore ugu eedeeyay Gudiga Doorashooyinka Qaranka in ay jaamacadaha dalka ku qasbayaan inay ardaydooda iska diiwaangeliyaan, inkastoo Gudigu beeniyay eedeyntaas. balse intii leysla yaqaanay waa soo dhaaftay oo gudiga doorashooyinka waxa xarumo cusub ka furi doonaan maqaayadaha iyo hoteelada qaar ee magaalada muqdisho si ay dadka iskaga diiwaan galiyaan.

Gudiga Doorashooyinka ayaa shalay sheegay inay dhawaan diiwaangelinta ka bilaabi doonaan: Hotel Afrik, Hotel Saxafi, Hotel Safaari, Primo Place, Banaadir Mall, Dilek Restaurant, Rio Place, Beerta Nabadda, iyo Hotel Jazeera.

Diiwaangelinta guurguurta, maxaa u haray mucaaradka oo ay ka sheegi doonaan diiwaangelinta codbixiyayaasha doorashooyinka soo socda?

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here