Saturday, July 27, 2024

Kenya: Kumanaan Macallimiin ah oo la shaqaaleysiinayo sannadkaan

Nairobi (Dawan)- Guddiga Adeega Macalimiinta dalka Kenya  ee loo yaqaano TSC ayaa sheegay in ay sanadkaan qaadan doonaan 20,000 oo Macallimiin cusub ah halka la dallacsiin doona in ka badan 36,000 oo Macallin

Sida ay sheegtay Gudomiyaha Guddiga Adeegga Macallimiinta, Nancy macharia, shaqaaleysiinta Macallimiinta cusub oo  dhawaan billaaban doonto aya loogu dan leeyahay sare uu qaadida  tayada waxbarashada ee dalka Kenya.

Nidaamka cusub ee waxbarashada laga dhaqan geliyay dalka Kenya sannadkii hore aya abuuray bahi weyn oo loo qabo in la qaato Macallimiin cusub.

Dusiyada Hoose iyo Dhexe ee dalka Kenya ayaa u baahan Macallimiin gaaraya 42,117 si la isagu dheeli tiro tirada Macallimiinta iyo ardayda Dugsiyadaas.

Go’aankaan cusub ayaa imaanaya iyada oo  sannadkii hore dalka Kenya laga howlgeliyay 56,000 oo Barayaal ah .

Hadda waxa Guddiga Adeegga Macallimiinta dalka Kenya ka diwaan gashan in ka badan 350,000 oo Macallimiin ah kuwaas oo wax ka dhiga Dugsiyada kala duwan ee dalkaas.

Dowladda Kenya ayaa ku jira dalalka ugu hormarsan Qaaradda Afrika dhanka Waxbrashada, waxeyna u qoondeysay sannadkaan lacag dhan 46 bilyan oo shilin nidaamka cusub ee maaliyadeed ee Jaamacadaha halka 5 bilyan oo kale loogu tala galay Machadyada lagu barto farsamada ee TVETs.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here