Saturday, July 27, 2024

Diyaaradda Kenya oo dib u bilaabeysa duulimaadyadii tooska ahaa ee Soomaaliya

Nairobi (Dawan)- Shirkadda Diyaaradaha ee Kenya Airways ayaa ku dhawaaqday in ay dib u bilaabeyso duulimaadyadii tooska ahaa ee Soomaaliya kadib 3 sano oo ay hakisay.

“Shirkadda diyaaradaha ee qaranka Kenya waxay shaaca ka qaaday inay dib u bilaabayso duullimaadyadii tooska ahaa ee Nairobi iyo Muqdisho, iyada oo qorshuuhu yahay in sameyso duulimaadka ugu horreeya Febraayo 14, 2024”, ayaa lagu yiri, qoraal kasoo baxay shirkadda.

Madaxa Ganacsiga iyo Macmiilka ee Kenya Airways. Julius Thairu ayaa sheegay in tillaabadaan ay ka marqaati kaceyso ganacsiga sii kordhaya ee isu socodka hawada ee u dhaxeeya Kenya iyo Soomaaliya.

Go’aanka shirkadda Kenya Airways ayaa imaanya maalmo uun kadib markii Soomaaliya loo ogolaaday inu ku biirto ururka Bulshada Bariga Afrika (EAC) kadib 11 sano oo ay suegysay in la aqbalo codisgeeda si ay uga qeyb noqoto iskaashioga dhanka ganacsiga ee dowladaha Bariga Afrika.

Dib u soo celinta safarka hawada ee Kenya Airways ayaa kor u qaadaya fursadaha gancsiga, dalxiiska iyo in dadka iyo xamuulku helaan adeeg duulimaad oo la isku halleyn karo, sida ay sheegayaan maamulka shirkadda.

Sanadihii ugu dambeeyay, xiisadda u dhexeysa Kenya iyo Soomaaliya ayaa sare u kacday kadib markii ay isku qabteen arrimo la xiriira xuduudda Badda iyo in ay Kenya faragelin ku sameyso arrimaha gudaha iyo amniga ee Soomaaliya.

Arrinta Badda waxaa go’aan ka gaartay Maxkamadda Caddaaladda Adduunka, sidoo kale waxaa soo hagaagay xiriirka labada dal kadib dib u doorashadii Xasan Sheekh Maxamuud bishii May ee sannadkii tegay.

Bishii August ee sannadkaan, Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya ayaa kala saxiixday heshiis lagu xoojinayo iskaashiga labada dal ee dhanka duulimaadyada.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here