Saturday, July 27, 2024

Berbera oo marki 2-aad martigelineysa Horyaalka Horyaalada Somaliland

Berbera (Dawan)- Magaalo xeebeedka Berbera waxaa shalay ka furmay koobka Horyaalka Horyaalada Somaliland, kaas oo sanadkiisii saddexaad ka qabsoomaya Somaliland. Magaalada Berbera ayaana sanadkeedii labaad martigelinaysa tartanka Horyaalka Horyaalada Somaliland iyada uu Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Saylici oo daahfuray koobka.

Horyaalka Horyaalada Somaliland waxaa lagu iba furay labada kooxood oo ku kala ciyaarayay magacyada Dowladda Hoose ee Gabiley iyo Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta, ciyaartaas oo ku soo idlaatay barbardhac goolal la’aan ah.

“Farxad weyn iyo sharaf ayay ii tahay inaan maanta halkaan ku daahfuro ciyaarihii Horyaalka Horyaalada Jamhuuriyadda Somaliland oo ay runtii ku tartamayaan 22 kooxood oo kasoo baxay Gobollada kala duwan” ayuu yiri, Madaxweyne ku xigeenka Somaliland

Sida uu qorshaha yahay tartankaan ayaa socon doonaa muddo 30 maalin ah, kaas oo ay ka qeybgeli doonaan 22 kooxood oo kala metali doona Magaalooyinka iyo Gobolada Somaliland.

Magaalada Hargaysa oo ah magaalada ugu kooxaha ugu badan waxaana tartankan ku metali doona 6 kooxood. Magaalooyinka Burco, Berbera, Ceerigaabo, Gebiley, iyo Boorama ayaa helay in metalaan min saddex kooxood, halka Caynaba ay heshay 1 koox oo kaliya.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here