Saturday, July 27, 2024

Doon lagu afduubtay xeebaha Puntland

Nugaal (Dawan)- Doon kalluumeysi oo laga leeyahay dalka Iiraan ayaa lagu afduubtay degmada Eyl ee gobolka Nugaal, sida ay xaqiijiyiin mas’uuliyiinta maamulka Puntland.

Koox aan la garanin heybtooda ilaa iyo hadda ayaa afduubatay doonta oo ay saarnaayeen 16 qof oo kasoo jeeda Iiraan iyo waardiye Soomaali ah.

Bashiir Siciid Cismaan oo ka mid ah wakiilada doonta ayaa sheegay in kooxdii afduubka geysatay ay lasoo xariirtay kadibna ay ka dalbdeen lacag madax furasho ah oo gaareysa 400,000 oo dollar si ay u sii daayaan doonta iyo shaqaalaha.

Bashiir ayaa intaa ku daray in doontu ay tahay mid si sharci ah oo u diiwaan gashan maamulka Puntland, isla markaana ay heysato ruqsad ay kaga kalluumeysato xeebaha Puntland.

Isaga oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in Kooxdu ugu hanjabeen in ay doonida u adeegsan doonaan afduubka maraakiib kale, haddii aan si degdeg ah loo siinin lacagta ay dalbadeen.

Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland, Muumin Cabdi Shire, ayaa shaaca ka qaaday in Hay’adaha ammaanku ku dadaalayaan sidii loo sii deyn lahaa doonida la afduubtay, isaga oo xusay in kooxdii afduubatay ay u dhaqaaqeen dhanka Bari ee badda.

Taliyaha ayaa faray wakiillada doonida in aysan bixin lacag madax furashada ah, isagoo caddeeyay in ay boolisku ku raad joogaan kooxihii afduubka geystay, kuwaas oo ku xad gudbay sharciga iyo amaanka xeebaha Puntland.

Degmada Eyl ayaa lagu xasuustaa in ay xarun u ahayd burcad badeed ku caan baxday afduubka doomaha iyo maraakiibta maraya xeebaha Soomaaliya, iyaga oo ka qaadan jiray lacag madax furasho ah, inkasta oo la xakameeyay wixii ka dambeeyay sannadkii 2012.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here