Saturday, July 27, 2024

Jabriil Ibraahim oo loo magacaabay Safiirka Soomaaliya ee Kenya

Muqdisho (Dawan)- Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa Jabriil Ibraahim Cabdulle u magacaabay Safiirka cusub ee Soomaaliya u fadhin doona dalka Kenya, kaddib markii uu dhammaaday muddo xileedkii Safiir Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan) oo tan iyo sannadkii 2018-kii ahaa Safiirka Soomaaliya ee Kenya.

Horaantii bishaan ayaa xarunta wasaaradda arrimaha dibadda Kenya lagu qabtay munaasabad lagu sagootinayay Safiir Tarsan, waxaana lagu ammaanay doorkii muhiimka ahaa ee uu ka qaatay horumarinta xiriirka laba geesoodka ah ee ka dhaxeeya labada dal mudadii uu xilka hayay.

Madaxweynaha Kenya, William Ruto, ayaa Safiir Maxamuud Tarsan ku casuumay aqalka madaxtooyada, isaga oo bogaadiyay shaqadii uu qabtay iyo kaalintiisa la taaban karo ee horumarinta xiriirka Kenya iyo Soomaaliya.

“Kenya iyo Soomaaliya ma ahan oo kaliya jaar. Tobanaan sano, waxaan ka wada shaqaynaynay raadinta nabadda iyo horumarka dadka iyo gobolkaba. Waxaan wadaagnaa xiriir qoto dheer oo xooggan” ayuu ku sagootiyay William Ruto, Safiir Tarsan.

Kenya iyo Soomaaliya ayaa wadaaga xiriir soo jireen ah , iyaga oo iska kaashada dhinacyo badan oo muhiimka ah, gaar ahaan amniga, ganacsiga, siyaasadda iyo waxbarashada.

Kenya ayaa ka mid ah dalalka ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya ee ATMIS, waxayna si firfircoon uga qayb qaataan dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-shabaab.

Dowladda Soomaaliya ayaa billaawday dhawaan in ay bedesho qaar ka mid ah safiiradeeda, iyada oo sidoo kale u magacaawday safiiro cusub dalal aysan hore ugu joogin safiiro.

17-kii bishaan November, ayay ahayd markii Madaxweynaha Eretria, Isaias Afwerki uu waraaqaha aqoonsiga ka guddoomay Cumar Idiris, oo ah safiirki ugu horeeyay taariikhda ee Soomaaliya ku metela dalka Eretria.

 Magacaabistaan ayaa  muujineysa marxalad taariikhi ah oo ku aaddan muuqaalka diblomaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Eretria, sida ay qabaan xeel-dheerayaasha diblomaasiyadda iyo siyaasadda.

Wasiirkii aminiga Soomaaliya, Dr Maxamed Axmed Doodishe ayaa sidoo kale loo magacaabay Safiirka Soomaaliya u fadhin doona dalka Qatar.

Dalalka Morroco iyo Sacuudiga ayaa ka mid ah dalalka ay Soomaaliya dhawaan u magacaawday safiiro.

.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here