Monday, May 20, 2024

Dowlad Deegaanka Soomaalida oo 31 jirsaday

Jig-jiga (Dawan)- Waxaa qoray, Madaxweyne ku xigeenka Dowlad Deegaanka Soomaalida, Ibraahim Cusman Faarax.

Anoo ku hadlaya magacayga iyo magaca xukuumada Dowlad Deegaanka Soomaalida, waxaan guud shacabka Deegaanka Soomaalida ugu hambalyeynayaa sannad guurada 31-aad ee kasoo wareegtay Aasaaskii Deegaankeena.

Sidaan lasocono, waxaan soo marnay 31 sano oo leh wajiyo kala duwan oo laga xusi karo in meel bannaan ah laga soo bilaabay Deegaankan maanta leh saameynta weyn ee dhinac kastaba leh.

Deegaankii 1993-kii la yagleelay, maanta waa mid ku sugan marxalad si kastaba uga duwan tii lagu aas-aasey, hadii ay noqon lahayd dhinacyada horumarka, dhaqaalaha, arimaha bulshada iyo amnigaba.

Maanta dhinac kasta waxaa ka jira isbedallo la taaban karo, balse wali shaqooyin badan ayaa inoo dhiman oo loo baahan yahay inaan maanka ku hayno markaan u dabbaal degayno Aas-aaska Deegaankeena, hadii ay noqon lahayd inaan sii laba jibaarno ka jawaabidda su’aalaha shacabkeena ee la xidhiidha dhinacyada horumarka, dhaqaalaha iyo arimaha bulshada.

Xuskan markaan udabbaal degayno waxaa muhiima inaan dhamaanteen ka shaqayno midnimada shacabkeena, nabadda Deegaankeena, wada noolaanshaha bulshadeena iyo inaan sii xoojino amniga aan tusaalaha ugu nahay dalka intiisa kale.

Dhallinyarada Deegaankana waxaan leeyahay, mustaqbalka wanaagsan ee deegaankeena u muuqda iyo barwaaqada aan ku taameyno, cidda loo baahan yahay inay u diyaar garowdo oo ay ka faa’iidaysato waa idinka, sidaa darteed, waxaan idinkula dardaarmayaa inaad ka shaqaysaan midnimada Umadeena, nabadgalyada Deegaankeena iyo horumarinta bulshadeena, Xukuumaduna way sii xoojinaysaa dadaalada iyo shaqooyinka lagu horumarinayo nolosha dhalinyarada Deegaanka.

Ugu dambeyn 31 kii sano ee lasoo dhaafay, sooyaalkii aan soo marnay, waxa uu ina barayaa dhacdooyin leh xusuuso taban iyo kuwo togan labadaba, sidaa darteed, waa inaan ka barano khibrado inagu filan si aan usii amba qaadno sooyaalkaas intiisii wanaagsanayd, dhanka kalena, aan ka fogaanno intiisii xumayd, si ayna markale inoo soo marin.

Anoo umahad celinaya Aasaasayaashii Deegaankeena & hogaaminti kaladuwana ee iskuxilqaamay shacabkooda, ayaan mar kale hambalyo leeyahay shacabka sharafta iyo xurmada badan ee Deegaanka Soomaalida Guul iyo Gobanimo!!”

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here