Saturday, July 27, 2024

Siyaasiyiin ka falceliyay Habraaca Wax ka beddelka Dastuurka ee la meel-mariyay

Muqdisho (Dawan)- Siyaasiyiinta Soomaaliyeed ayaa siyaabo kala duwan uga hadlay qaabka ay labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya u meel mariyeen ” Habraaca Ansixinta Wax ka beddelka Dastuurka”

Qaarkood waxa ay dhaliileen qaabka loo ansixyay iyo xilliga lagu soo beegay iyaga oo Guddoonka Baarlamaanka iyo Madaxweynaha ku eedeeyay in ay abuurayaan khilaaf cusub oo saameyn ku yeelan kara midnimada bulshada iyo hannaanka dib u dhiska Dowladnimada Soomaaliya.

Dhinaca kale, waxaa jira siyaasiyiin iyo xildhibaano iyaguna u arka meel-marinta ” Habraaca Ansixinta Wax ka beddelka Dastuurka” in ay ka dhigantaahy in la furay jidkii lagu dhameystiri lahaa Dowlad dhiska Soomaaliya.

Madaxeynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa meel-marinta ” Habraaca Ansixinta Wax ka beddelka Dastuurka” ku tilmaamay in ay tahay nasiib darro weyn, isaga oo ku eedeeyay Madaxtooyada in ay kala dhantaaleyso midnimada dadka Soomaaliyeed.

“Nasiib darro ka weyn ma jirto in hoggaanka dowladdu ay kala dhantaalaan midnimada dadkeenna Soomaaliyeed oo marxaladdan xasaasiga ah u taagnaa difaaca dalkooda iyo gobanimadooda.” ayuu yiri, Farmaajo.

Xuseen Sheekh Maxamuud, Senator hore ee Aqalka Sare ahaana Xoghayihii Guddiga Dastuurka ayaa aaminsan aragti ka duwan tan uu qabo Farmaajo, isaga oo u arka in n la furay jidkii lagu dhameystiri lahaa Dowlad dhiska Soomaaliya.

” Tani kama dhigano in dhameystirka dib-u-eegista Dastuurka ay si fudud ku dhammaan karto laakiin waxay cadeyn u tahay in Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya uu karti u leeyahay in uu maamulo howshaas muddaba loo bareeri waayey, waajibkiisana gudan karo”

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre waxa uu ka ag dhawyahay fikradda uu qabo Madaxweynihiisi, waxa uuna ku tilmaamay codeyntii maanta ka dhacday Golaha Baarlamaakanka Fowdo iyo xasarad.

“Waxaan ka digayaa halista ku geedaaman jidka qardajeexa ah ee Madaxtooyada iyo Guddoonka Baarlamaanku ku sii wadaan dowladnimada Soomaaliya, oo Dalka u horseedi kara khilaaf hor leh iyo hubanti la’aan siyaasadeed. Waxaana masuuliyaddeeda qaadi doona Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Guddoomiye Aadan Madoobe”

Dhanka kale, Xildhibaan Cabdisaabir Shuuriye waxa uu qabaa in Baarlamaanku u gutay waajibkii saarnaa hannaan dimoquraadi ah, si looga dhabeeyo himilada Shacabka Soomaaliyeed ee ah in al dhameystiro Dastuurka

“Habraaca uu Barlamaanku ansixiyay ayaa ka dhigan in wakiilada shacabku si qayixan u diideen is-hortaagga ku sallaysan dano siyaasadeed oo gaar ah oo ay leeyihiin Madaxdii horay dalkaan uga soo arrimisay iyo siyaasiyiinta kale ee ku aragtida ah” ayuu yiri, Shuuriye.

Xildhibaanka ayaa intas ku daray in in Barlamaanku uu si buuxda gaashaanka ugu daruuray marin-habaabinta shacbiga oo ay siyaasiyiinta qaarkood si ulakac ah u samaynayaan iyagoo saadaalinyay colaad iyo dhibaato ka imaan karta dhammaystirka Dastuurka.

Baarlamaanka Soomaaliya labadiisa Aqal ayaa maanta meel mariyay Habraaca Ansixinta Wax ka beddelka Dastuurka” oo ah xeer-hoosaadka labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee tilmaamaya hannaanka kulamada wadaagga ah ee labada aqal maadaama uusan jirin xeer-hoosaad maamulaya kulamada labada Aqal ay wadaagaan.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here