Saturday, July 27, 2024

Dowladda Imaaraadka oo war kasoo saartay saraakiil looga dilay Muqdisho

Muqdisho (Dawan)- Wasaaradda Gaashaandhigga Imaaraadka Carabta ayaa shaacisay in 3 askari oo ka tirsan ciidamada Imaaraadka iyo sarkaal ka tirsan ciidamada Difaaca Bahrain lagu dilay weerar lagu soo qaaday saldhigga Gordon ee Magaalada Muqdisho, halka labo kalena lagu dhaawacay.

Wasaaradda ayaa intaas ku dartay in weerarku uu dhacay xilli ay gudanayeen waajibaadkooda shaqo ee tababarka iyo tayeynta ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya.

Dowladaha Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta ayaa hore u wada galay heshiis la xiriira tababarada iyo iskaashiga milatari ee labada dal.

“Wasaaradda Gaashaandhiggu waxay tacsi tiiraanyo leh u direysaa dhammaan eheladii ay ka geeriyoodeen marxuumiinta, iyadoo Allaha awooda leh uga baryaysa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, sidoo kale waxay u rajeyneysaa kuwa dhaawaca ah inuu caafimaad degdeg ah siiyo”. ayaa lagu yiri, War-saxaafadeed ay Wasaaraddu ku baahisay barteeda X

War-saxaafadeedka Wasaaradda ayaa intaas ku daray, “Imaaraadku waxa uu sii wadi doona isku-dubbaridka iyo wada-shaqeynta uu la leeyahay Dowladda Soomaaliya ee lagu baarayo fal-dambiyeedka argagixisada ah”.

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh ayaa ka tacsiyeeyay dhimashada saraakiisha u dhalatay dalka Imaaraadka Carabta kuwaas oo lagu dilay Xerada Jeneraal Gordon ee magaalada Muqdisho.

“Dawladda iyo Shacabka aan walalaha nahay ee Imaaraadka Carabta waxaan uga tacsiyeynaynaa saraakiisha ku naf waayey magaalada Muqdisho ee u yimid in ay ka qeyb-qaataan dib u dhiska Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed” ayuu Madaxweyne Xasan kusoo qoray bartiisa Facebook.

Madaxweynaha ayaa cambaareeyay falkaas, wuxuuna faray laamaha amniga in ay sameeyaan baaritaan degdeg ah, isaga oo ballan qaaday in tillaabdo adag laga qaadi doono cid kasta oo ka dambeysay falkaas

“Waxaan si ugu adag u cambaaraynaynaa falkan foosha xun ee galaaftay nolasha Saraakiishan wakhtigooda iyo naftooda u huray xoreynta dalkeena iyo dib udhiska ciidamadeena, anigoo faraya Laamaha Amniga in ay baaritaan degdeg ah ay ku sameeyaan, waxaana balan qaadaynaa In talaabo adag laga qaadi doono cidkasta oo soo abaabushay falkaan guracan”. ayuu raaciyay qoraalkiisa Madaxweyne Xasan Sheekh.

Dhanka kale, kooxda Al-Shabaab ayaa sheegtay in ay dileen in ka badan 20 askari oo isagu jira Imaaraad iyo Soomaali kadib markii ay weerar ay ku qaadeen xerada ay Imaaraadku ku tababaraan ciidamada Soomaalida.

Dowladda Soomaaliya ayaa dagaal kula jirtay sannadihii lasoo dhaafay Kooxda Al-shabaab oo la aas-aasay horraantii sannadkii 2004-tii, waxaana fikrad ahaan ku xiran tahay ururka Al-Qaacida.

Xerada Jeneraal Gordon ayaa la xiray sannadkii 2018-kii kadib khilaafkii diblomaasiyadeed ee soo kala dhax galay Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta ee ku saabsanaa go’aankii Soomaaliya ay ka qaadatay go’doomintii lagu sameeyay Qatar, basle dib ayaa loo furay markii dib loo doortay Madaxweyne Xasan Sheekh 15-kii May 2022.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here