Saturday, July 27, 2024

K/Afrika oo kaalinta 3-aad ka gashay koobka qaramada Afrika

Abidjan (Dawan)-  Xulka kubadda cagta ee Koonfur Afrika ayaa ku guuleysatay kaalinta saddexaad ee Koobka Qaramada Afrika kadib markii uu rigoorayaal (6-5) ah uga badiyay dhiggooda Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo

Ciyaarta ayaa kusoo dhamaatay 0-0 waqtigii loogu tala galay iyo 30 daqiiqo oo dheeri ahaa ee lagu daray.

Xulka “Bafana Bafana” ee uu hogaamiyo macalinka Belgian Hugo Bros ayaa aad u doonayay in ay gaaraan finalka markii ugu horeysay tan iyo sanadkii 1998-dii markaas oo ay guuldaro kala kulmeen Masar, taasoo ka dhigeysa in ay mar kale qaadi waayeen Koobka Afrika kadib hanashadii sannadkii 1996 kii markii ay gurigooda uga qaadeen Tunisia.

Koonfur Afrika ayaa sannadkaan wacdaro ka dhigay tartanka gaar ahaan markii ay Morocco ku garaaceen 2-0 balse waxaa rigoorayaal ku reebay Nigeria ciyaar ku dhmaatay waqtigii caadiga ahaa iyo daqiiqadihii dheeeriga ahaa (1-1).

Dhanka kale Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo oo loo caleemo saaray ku guuleysiga koobka Afrika 1968 iyaga oo wata magaca Congo-Kinshasa iyo 1974 markii loogu yeeri jiray magaca Zaire ayaa gashay kaalinta saddexaad sannadihii 1998 iyo 2015 iyada oo wadata magaceeda hadda loo yaqaano.

Koonfura Afrika ayaa 12-kii September ee sannadkii hore 1-0 kaga badisay Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo ciyaar saaxiibtinimo.

Xulka Bafana Bafana waa markii labaad taariikhda ee ay galaan kaalinta seddexaad ee lagu helo billadda Maarta, waxeyna sidoo kale hore u galeen kaalintaan koobkii 22-aad ee lagu qabtay Ghana iyo Nigeria sannadkii 2000.

Caawa waxaa finaalka koobka Qaramada Afrika ku ballansan marti geliyaasha koobka ee Ivory Coast oo koobka hore u qaaday 2 jeer iyo xulka Nigeia oo ku guuleystay 3 jeer

Dalka Ivory Coast ayaa marti gelinaya Koobka Kubadda Cagta ee Qaramada Afrika markii labaad kadib 40 sano markii uu marti geliyay markii ugu horeysay 1984

Waxaa la kordhiyay 40% lacagatii la siin jiray dalka ku guuleysta koobka, wuxuuna heli doona sannadkaan 7 malyan oo dollar halka waddanka gala kaalinta labaad uu heli doono 4 malyan oo dollaar.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here