Saturday, July 27, 2024

Dowladda iyo A S oo warar kala duwan kasoo saaray qaraxii Ceelasha-Biyaha

Muqdisho (Dawan)- Booliska Soomaaliya iyo Kooxda Al-shabaab ayaa warar is khilaafsan kasoo kala saaray qarax saakay subaxnimadii lala beegsaday xero ciidan oo ku taal deegaanka Ceelasha-Biyaha ee duleedka Muqdisho.

 Af-hayeenka Booliska Soomaaliya Sadiiq Aadan Cali Doodishe oo ka warbixay qaraxa ayaa sheegay in gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay lala eegtay ciidanka ku sugan barkonotorool oo ku taal Ceelasha-Biyaha.

Af-hayeenka ayaa sheegay in lix qofood oo afar ka mid ah ahaayen ciidan ay ku dhimatay qaraxa, halka ay ku dhaawacmeen sagaal ruux oo shan ka mid ah ay tahay ciidanka amaanka ee halkaas ku sugnaa.

Qaraxa ayaa sidoo kale burbur u geystay dhwor dhismo ee goobta ka ag dhawaa sida uu xaqiijiyay Af-hayeenka Booliska.

 Af-hayeenka Booliska ayaa intaas raaciyay in gaarigaan uu yahay kii shanaad ee laga hortago in lasoo geliyo magaalada Muqdisho.

Dhinaca kale, kooxda Al-shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda qaraxa, iyaga xusay in ay dileen 49 asgari.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here