Saturday, July 27, 2024

Dhibaato ka dhalatay fatahaado ka dhacay Beledweyne iyo Luuq

Hiiraan (Dawan)- Roobab xooggan oo daadad wato ayaa shalay ilaa xalay ka da’ay magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan, kuwaas oo geystay khasaare hantiyadeed iyo barakaca qoysas badan

Wabiga Shabeelle ee mara magaaladda Beledweyne oo hore u buuxay ayaa sameeyay fatahaado kadib roobabakaan, waxaana dhibaato kasoo gaartay dadka deggaan hareeraha Wabiga.

Sannadihii ugu damebeeyay, waxaa Beledweyne kusoo laalaabtay fatahaada Wabiga, waxaana lagu guul darreystay in la dhiso biya xireen si wax looga qabto fatahaada dhibaatada geysta xilliyada roobabka.

Dhanka kale, degmada Luuq ee gobolka Gedo ayaa roob socday In ka badan 10 saacadood ka da’een kuwaas oo dhibaato soo gaarsiiyay dadka deegaanka iyo dad kale oo hore ugu soo barakacay degmada.

Hay’adda Maareynta masiibooyinka Qaran, ayaa hore u sheegtay in laga casbi qabo roobab mahiigaan ah in ay ka da’aan gobollada Soomaalida ee Bari, Sool, Sanaag, Waqooyiga Galbeed, Nugaal, Hiiraan, Baay, Bakool, Shabeellaha hoose iyo Jubbada Dhexe kuwaas oo ay ka dhalan karto khatar.

Hay’adda ayaa ugu baaqday bulshooyinka ku nool gobollaadan in ay muujiyaan feejignaan kana digtoonaadaan fatahaadaha ka dhalan kara daadadka roobabka iyo Wabiyada.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here