Saturday, July 27, 2024

Dowladda oo sheegtay in howlagalladdii ugu dambeeyay lagu diay 130 AS

Muqdisho (Dawan)- Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa sheegtay in howlagalladdii ugu dambeeyay ee ay fuliyeen Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed in lagu dilay 130 xubnood oo ka tirsan kooxda Al-shabaab.

War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda ayaa lagu yiri ” Inta ay socdaan hawlgaladaan waxaa la dilay in ka badan 130 ka tirsan Khawaarijta, waxaa laga furtay Hub waxaana la burburiyay qalab kala duwan iyo goobo gabbaad u ahaa Khawaarijta”.

Howlagalladda Ciidanka Xoogga Soomaaliya ayaa ka dhacay deegaano ka tirsan Maamul Goboleedyada Hirshabeelle, Galmudug iyo Jubbaland.

“Hawlgaladii ugu danbeeyay waxaa Khawaarijta looga saaray dhul balaaran oo ka kala tirsan Galmudug iyo Hirshabeelle sidoo kale waxaa hawlgallo lagu naafeeyay Khawaarijtu ay ka dhaceen Jubaland” ayaa lagu yiri, markale War-saxaafadeedka

Wasaaraddu waxa ay War-saxaafadeedkeeda ku sheegtay in Al-shaabaab laga saaray Hawdka Shabeelooow, Wadada muhiimka ah ee Caadleey, Buurta Yacgoos, Deegaanka Baraag Ismaaciil oo dhamaantood ka tirsan Gobalka Mudug.

Dhanka Gobolka Galgaduud, waxaa laga saaray Al-shabaab Degmada Ceeldheer, Magaalada Masagawaa iyo deegaano kale oo hoostaga Gobolka.

War-saxaafadeedka Wasaaradda Gaashaandhiga ayaa kusoo beegmaya iyada oo Warbaahinta ka ag dhaw kooxda Al-shabaab ay soo warineyso in Al-shabaab ay dib ula wareegtay deegaano hoostaga Degmada Ruunirgood ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Dowladda Soomaaliya ayaa dhawaan xaqiijisay in weerar cirka ah oo ay fuliyeen diyaaradaha Mareykanka in lagu dilay hoggaamiye sare oo ka tirsan kooxda Al-shabaab kaas oo lagu magacaabi jiray Macallin Ayman.

Macallin Ayman ayaa lagu dilay 17-dii December, Degmada Jilib ee Gobalka Jubbada Dhexe, waxa uuna ka mid ahaa horjoogayaasha Al-shabaab ee madaxooda la dul dhigay malaayiin dollaar.



Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here