Saturday, July 27, 2024

Dowladda oo sheegtay in xubno ka tirsan AS ay ku dishy Hiiraan

Hiiraan (Dawan)- Ciidamada dowladda Soomaaliya oo kaashanaya kuwa deegaanka ee loo yaqaano Macaawisley ayaa weerar ku qaaday xarun ay kooxda Al-Shabaab ku leedahay deegaan hoos taga degmada Far-libaax ee gobolka Hiiraan.

Sida ay dowladdu sheegtay, waxaa dagaalamayaasha Al-Shabaab looga dilay goobta uu dagaalku ka dhacay 2 xubnood, iyada oo sidoo kale ay jiraan dhaawacyo gaaraya ilaa saddex.

Weerarka ciidamada dowladda ayaa ka dhacay  duleedka deegaanka Ceel-cadde  halkaas oo  saldhig ay ku lahaayen Al-Shabaab, iyada oo lasoo warinayo in dagaal fool ka fool ah dhax maray labada dhinac.

Ciidamada dowladda ayaa guul ka sheegtay dagaalka, balse kooxda Al-Shabaab wax war ah kama soo saarin wali dagaalka, iyada oo adagtahay in la helo ilo madax bannaan oo ka waramaya dagaalka

Taliyaha Boliiska Far-Libaax, Maxamed Salaad, ayaa sheegay in ciidanka dowladda iyo kuwa deegaanku ay guulo kasoo hooyeen dagaalka Al-Shabaab, isaga oo xusay in la xoreeyay dhowr deegaan intii lagu guda jiray howlgalka ciidanka.

Waxa uu intaasi ku daray in qaar ka mid ah ciidamada ay dhaawacyo soo gaareen, balse ma uusan carrabaabin tirada askarta kaga dhaawacantay dagaalka labada dhinac dhexmaray.

Howlgallada ciidamada dowladda ee ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab ayaa dib uga soo cusboonaaday waayadii ugu dambeeyay deeganada gobolka Hiiraan, waxaan dagaalka ka qeyb qaadanaya ciidamada deegaanka Macaawisley oo kusoo caan baxay dagaalka looga soo horjeedo Al-Shababaab ee gobolka Hiiraan.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here