Tuesday, September 17, 2024

WARARKA DUNIDA OO KOOBAN

Muqdisho (Dawan)- Qodobada ugu waaweyn wararka dunida oo kooban waxaa ka mid ah:

HOLLAND

Hague – Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda ayaa laga sugaya in ay ku dhawaaqdo go’aan ku saabsan tillaabooyinka lagama maarmaanka ah ee laga qaadayo Jarmalka kadib markii Nicaragua ay ku eedeysay in Jarmalku fududeeyay xasuuqa ay Israel ka geysatay Gaza.

Jaramalka waxaa lagu eeddeeyay inuu taageero dhanka siyaasadda iyo hubka ah siiyay Israel

SWITZERLAND

Geneva – Philippe Lazzarini, oo ah guddoomiyaha guud ee hay’adda gargaarka iyo shaqada ee Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga Falastiin ee (UNRWA), ayaa suxufiyiinta warbixin ka siin doona xaaladda dhulka Falastiin ee la haysto.

UK

London – Dhowr wasiir oo ka mid ah xukuumadda UK uuna ku jiro xoghayaha Arrimaha Dibadda ayaa hor tegi doona Baarlamaanka si loo weydiiyo su’aalo.

London – Ururka Shaqaalaha Rayidka ah ee Britain ayaa bilaabay olol looga soo horjeedo go’aanka dowladda ee la doonayo in qaar ka mid ah dadka megan galyo doonka ah loogu tarxiilo Rwanda.

Ururka ayaa dowladda ku eedeeyay in ay qaadday tiilaabo ka hor imaaneysa xuquuqda aadanaha iyo sharciyada qaxootiga.

US

Washington – Xoghayaha Difaaca Mareykanka Lloyd Austin iyo Taliyaha ciidamada Charles Q. Brown Jr ayaa hor tegi doona Guddiga qaabilsan arrimaha hubka ee Aqalka Wakiilada Mareykanka.

Washington – Waxaa sii ballaartay Mudaaharaadyada ka socda Jaamcadaha Mareykanka ee lagu taageerayo Falastiin, sidoo kalena looga soo horjeedo gummaadka Israel iyo taageerada ay Mareykanka ka hesho.

New York – Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa kulan ka yeelanaya xaaladda Bosnia .

GABON

Libreville – Wufuudda ka qayb-qaatay wada-hadallada qaran ee loogu gogol xaarayo in xukunka Gabon dib loogu celiyo rayidka ayaa warbixintooda ku wareejiyay Madaxweynaha kumeel gaarka ee xilliga kala guurka.

KENYA

Nairobi Xukuumadda Kenya ayaa la filaya in ay shaaciso tirada kama dambeysta ah ee ku geeriyootay masiibadii ka dhacday biya xireenka ismaamulka Nakuru.

in ka badan 40 qof ayaa ku geeriyootay, sida ay wararku sheegayaan, waxaana wali socda baadi goob loogu jiro dad kale oo la la’yahay

Nairobi – Shir madaxeedka Bangiga Adduunka ee madaxda Afrika ayaa la filayaa in la soo gabagebeeyo, iyadoo laga soo saari doono war-murtiyeed wadajir ah oo ku saabsan arrimaha maalgelinta.

BADDA KOONFURTA SHIINAHA

Manila/Beijing- Dowladda Filibiin ayaa ku eedeysay Shiinaha inuu adeegsatay awood si ay u eryaan markabka ilaalada xeebaha Filibiin ee ku sugan biyaha lagu muransan yahay ee Koonfurta Badda Shiinaha.

KUURIYA

Seoul/Pyongyang – Kuuriyada Koonfureed ayaa la filayaa inay ka jawaabto dhaqdhaqaaqyada Waqooyiga Kuuriya oo miinooyin ku aastay aagga ciidamada ka caaggan ee xuduudka kala qaybiya labada dal.

FILIPIN

Manila – Dowladaha Filipin iyo Maraykanka ayaa sii wada dhoolatuskooda milatari ee wadajirka ah kaas oo lagu tilmaamay kii ugu ballaarnaa ee ay labada dowlad sameeyaan.

Dhoolatuska ayaa billawday 22-kii April waxaana ka qeyb qaadanaya ku dhawaad 17,000 oo askari iyada oo sidoo kale kormeerayaal ay ka yihiin 14 dal.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here