Ciidanka kumaandooska Soomaaliya ee Danab oo garab ka helaya ciidamada Jubaland ayaa sheegay in howlgal qorsheysan ay ka sameeyeen deegaanka Kaam-Jaroon ee gobolka Jubbada Hoose, halkaas oo muddo dheer Alshabaab u ahayd talis muhiim u ah.
Howlgalkan ayaa lagu dilay labo ka mid ah hoggaamiyeyaasha sare ee Al-Shabaab iyo shan xubnood oo ka mid ahaa ilaaladooda gaarka ah, sida ay dowladda shaacisay.
Labada hoggaamiye ee la dilay ayaa magacyadooda lagu sheegay Rooble Xasan oo ahaa Amiirka Al-Shabaab ee deegaanka Kaam-Jaroon, iyo xubin magiciisa lagu soo koobay Maadeey oo ahaa madaxii maaliyadda ee deegaanka Wayaanta, oo ka tirsan galbeedka Jubbada Hoose.
“Howlgal si taxadar leh loo abaabulay ayaa lagu khaarijiyay labo horjooge, oo sar-sare oo ka tirsanaa argagixisada iyo shan xubnood oo kale oo kamid ahaa ilaaladooda gaarka ah,” ayaa lagu yiri warbaahinta codka ciidamada.
Dowladda Soomaaliya ayaa sidoo kale sheegtay in howlgalka lagu burburiyey xarumo muhiim ah oo Al-Shabaab u adeegsan jirtay kaydinta talisyada iyo saanadaha militari.
Sidoo kale, dowladda ayaa sheegtay in ay socdaan howlgallo kale oo ka dhan ah Al-Shabaab oo ka soconaya deegaanada kale ee ku teedsan galbeedka Jubbada Hoose, iyadoo la beegsaday goobo ay ku sheegtay in ay ku dhuumaaleysanayeen xubno ka tirsan kooxdaasi.
Howlgalkan ayaa ku soo aadaya xilli maalmo ka hor ciidamada Kumaandooska Danab iyo kuwa Jubaland ay deegaanka Barjalla ku dileen xubno kale oo muhiim ah oo ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab.