Saturday, March 15, 2025
Array

Duqeymo lagu beegsaday AS oo ka dhigay Biya Cadde.

Ciidanka Soomaaliya oo kaashanaya saaxiibada caalamka ayaa fuliyey howlgal militari oo ka dhacay deegaanka Biya Cadde ee gobolka Shabeellaha Dhexe, kaas oo lagu dilay 44 dagaalyahan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab, sida lagu sheegay war-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta.

Howlgalka oo dhacay 2-di maarso ayaa la sheegay in lagu bartilmaameedsaday xubno ka tirsan Al-Shabaab. Wararka dowladda Soomaaliya waxay xaqiijinayaan in ciidamadu ay burburiyeen saddex gaari dagaal ah oo ay kooxdu isticmaalaysay.

Saraakiisha ammaanka ayaa sheegay in duqeynta iyo weerarada qorsheysan ay qeyb ka yihiin dadaalka dowladda ee lagu wiiqayo awoodda Al-Shabaab. Dowladda Federaalka ayaa dhowaan xoojisay dagaalka ka dhanka ah kooxda, iyadoo iskaashi la leh beesha caalamka iyo dadka deegaanka.

Illaa iyo hadda, lama oga haddii ay jiraan wax khasaare ah oo gaaray dhinaca dowladda ama dadka rayidka ah ee ku nool deegaanka Biya Cadde. 

Howlgalkan ayaa kusoo aadaya iyadoo sidoo kale Mareykanka uu sheegay in uu fuliyey duqeyn ka dhan ah Al-Shabaab oo ka dhacday Ceel Baraf.

Dagaalka u dhaxeeya ciidamada dowladda, saaxiibadooda caalamiga ah iyo kuwa deegaan oo isku garab iyo Alshabaab ayaa si aad ah ugu socday deegaanadda gobolada hiiraan iyo shabeelaha dhexe.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here