Saturday, July 27, 2024

Tahriibayaal lagu qabtay xeebaha Morocco

Rabat (Dawan)- Ciidamada Badda ee Morocco, ayaa sheegay Isniintii in ay 59 tahriibayaal ah ku qabteen xeebta Dakhla, ee Koonfurta dalkaas, kuwaas oo ka kala yimid dalalka Saxaraha ka hooseeya ee Afrika.

War qoraal ah oo ka soo baxay Taliska Guud ee Ciidamada Boqortooyada Morocco ayaa lagu yiri, “Laba cutub oo ka tirsan Ciidanka Badda Boqortooyada ayaa qabtay Isniintii, labo doonyood oo ay la socdeen 59 qof kuwaas oo ku jiray socdaal aan sharci ahayn”

Bayaanka ayaa intaas ku daray in dadka la qabtay ay wada yihiin Afrikaan gaar ahaan wadamada Saxaraha ka hooseeya ee Afrika, waxeyna ku wajahnaayeen jasiiradaha Canary oo hoostagata Spain.

Dowladda Morocco ayaa sheegtay in dhammaan dadkii la qabtay loo fidiyay gargaarkii ay u baahanaayeen kadibna lagu wareejiyay hay’adaha qaabilsan dadka sharci darrada ku soo gala dalka.

3-dii Janaayo, ciidamada Morocco ayaa bayaan ay soo saareen ku shaaciyay in ay qabteen 87,000 oo tahriibayaal ah sannadki dhamaadaay ee 2023, kuwaas oo intooda badan ka yimid wadamada Afrika.

Waxaa isa soo taraya isku dayga ay wadaan qaar ka mid ah muwaadiniinta Morocco iyo kuwa wadamada kale ee Afrikaanka ah kuwaas oo doonaya in ay si tahriib ah ah ku galaan Qaaradda Yurub, si ay u helaan nolol dhaanta tan ay ku jiraan.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here