Saturday, July 27, 2024

Eritrea oo sii deysay in ka badan 40 maxabuus oo Tigray ah

Asmara (Dawan)- Eritrea ayaa shalay sii deysay 46 qof oo asal ahaan ka soo jeeda qowmiyadda Tigray ee dalka Itoobiya, kuwaas oo ku jiray xabsiyada Eritrea muddo u dhaxeysa laba bilood ilaa muddo sannad iyo dheeraad ah.

Sida ay sheegtay warbaahinta Itoobiya, maxaabiistan badankood waxaa laga soo qabtay degmada Tahtay Cadiyabo, oo ku taal aagga Waqooyi Galbeed ee gobolka Tigray.

Madaxa nabadda iyo amniga ee degmada Tahtay Adiyabo Mebrahtom Gezaei oo wareysi siinayay Addis Standard ayaa shaaca ka qaaday in shaqsiyaadkan ay ku jireen xabsiga Barentu oo ah xabsi ku yaal gudaha Gash-Barka, oo ah gobol ay Eritrea maamusho.

Mebrahtom ayaa ku eedeeyay Eritrea in ay marki hore afduubatay dadkaan kadibna ay u xirtay maxaabisteeda.

Wararka qaar ayaa sheegaya in afduubka loo geysanayo dadka ka soo jeeda Tigray ee ku nool deegaanka ay gacanta ku hayaan ciidamada Eritrea inuu sare u kacay waayadii ugu dambeysay inkastoo la saxiixay heshiiska joojinta colaadaha bishii November 2022.

Magaalada Zalambessa iyo lix xaafadood oo ka tirsan degmada Gulomekeda waxaa inta badan gacanta ku haya ciidamada Eritrea, waxaana ka dhashay colaaddii ka dillaacday gobolka Tigray bishii November 2020.

Toddobaadkii hore, wafdi ka socda Midowga Afrika ayaa booqasho ku tagay degmada Gulemekeda iyo magaalada Zalambessa, si ay ugu kuur galaan xaaladda dhabta ah ee ka jirta deegaanka.

Booqashadan, oo noqonaysa tii labaad tan iyo markii la saxiixay heshiiska Pretoria, ayaa ujeedadeedu ahayd in lagu qiimeeyo horumarka laga gaaray fulinta qodobbadii heshiiska Pretoria iyo in la qiimeeyo xaaladda dadka deegaanka.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here