Saturday, July 27, 2024

Farmaajo: Itoobiya haka waantowdo damaca wiiqaya is-dhexgalka Gobolka

Doxa (Dawan)- Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo war kasoo saaray heshiiska Itoobiya iyo Somaliland ee Badda ayaa ugu baaqay Dowladda Itoobiya in ay ka waantowdo damaca gurracan ee wiiqaya heshiisyadii is-dhexgalka bulsho iyo iskaashiga heer Gobol.
Farmaajo ayaa sidoo kale ugu baaqay Shacabka Soomaaliyeed in u midoobaan ka hortagga heshiiska, iyaga oo meel iska dhigaya kala duwanaanshaha fikirka iyo khilaafaadka dhaxdooda ah.

Qoraal uu bartiisa facebook soo dhigay ayaa u qornaa sida soo socota:

Heshiiska damaca guracan ee Itoobiya ku dooonayso dhul iyo bad ka tirsan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya wuxuu muujiyey dareenka xooggan ee shacabka Soomaaliyeed, waana mid mudan in aan la dhayalsan khatarta ka dhalankarta haddii lagu soo xadgudbo madaxbannaanida iyo midnimada dalkeenna.

Heshiiskan waxa uu baal marsan yahay shuruucda dalka iyo xeerarka caalamiga ah iyo kan midwoga afrika, waxa uuna dhaawac ku yahay wadajirka iyo xasilloonida dalalka gobolka, sidaas awgeed waxaan caddaynaynaa in cid kasta oo ku lug leh ay ka galeyso taariikhda baal madoow, qaadanaysana masuuliyadda cawaaqib xumida ka dhalan karta.

Dowladda Itoobiya waxaan ugu baaqaynaa in ay ka waantowdo damacaan gurracan oo wiiqaya heshiisyadii is-dhexgalka bulsho iyo iskaashiga heer gobol, kaas oo ay aas-aas u ahayd ilaalinta madaxbannaanida iyo dowladnimada shucuubta gobolka, si waafaqsan xeerarka gaarka u ah dal kasta iyo shuruucda caalamiga ah.

Xildhibaannada Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya waxaan ugu baaqayaa in ay degdeg ugu istaagaan gudashada waajibaadkooda qaran ee ku aaddan xadgudubka ka dhanka madax-bannaanida iyo gobanimada dalkeenna, anigoo xasuusinaya guushii aynu ka gaarnay kiiskii dacwadda Badda ee nagala dhexeeyey Kenya uu saldhig u ahaa qaraarkii dhaxal-reeb ee uu soo saaray Baarlamaankii 8-aad.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Xasan Sheekh waxaa waajib ku ah ilaalinta midnimada dhuleed, badeed iyo umadeed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxaana la dhawrayaa go’aammada masiiriga ah iyo tallaabooyinka qaran ee u qalma jiilasheenna danbe.

Dadka Soomaaliyeed, shacab iyo masuuliyiinba waxaan ugu baaqayaa in aynu u midowno qadiyaddan halista ah, innagoo meel iska dhigayna kala fikir duwanaanshaha iyo khilaafkasta oo dhexdeenna ah. Una midowno ilaalita badeenna, dhulkeenna iyo ummaddeenna.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here