Saturday, July 27, 2024

M/W Shariif oo ku baaqay in loo midoobo ilaalinta karaamada dalka

Muqdisho (Dawan)- Madaxweynihii hore, Shariif Sheekh Axmed ayaa ugu baaqay Dowladda Soomaaliya in ay caddeyso mowqifka ay ka qabto heshiiska ay wada gaareen Dowladda Itoobiya iyo Somaliland ee siinaya Itoobiya Bad ay isticmaasho.

Qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook ayaa u qoraan sida soos socota:

Heshiiska sharci darrada ah ee maanta ay wada gaareen RW Itoobiya iyo Madaxweynaha Somaliland, wuxuu xad-gudub ku yahay madaxbannaanida Dalkeenna wuxuuna ka hor imaanayaa qawaaniinta Adduunka.

Dowladda Itoobiya waxaan ugu baaqaynaa in ay ilaaliso deris wanaagga iyo xiriirka wanaagsan ee ka dhaxeeya labadeenna Dal.

Waxaan ugu baaqaynaa shacabka Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan in ay u midoobaan ilaalinta midnimadooda, Karaamadooda iyo Kheyraadka Dalkooda.

Ugu dambeyn Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaan ugu baaqaynaa in ay arintaan ka soo saarto go’aan deg deg ah oo ay ku caddeyneyso mowqifkeeda iyo waxa ay kala socoto heshiiskaas sharci darrada ah.

Golaha Wasiirada Soomaaliya ayaa la isagu yeeray kulan degdeg ah maalinta berito ah si ay go’aan uga soo saaraan heshiiska ay maanta qalinka ku wada duugeen Abiy Axmed iyo Muuse Biixi, sida ay sheegtay Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed ee SONNA.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here