Sunday, September 8, 2024

Farmaajo.. waddadii Xasan ee guusha mise tii Shariif ee hungoobidda?

Muqdisho (Dawan)- Maalintii Jimacaha, waxaa dalka dib ugu soo laabtay, sannad iyo afar bilood kadib, Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo tan iyo markii uu xilka wareejiyay kana dhigtay saldhig Magaalada Dooxa ee dalka Qatar.

Farriin gaaban uu soo dhigay Facebook ayuu ku sheegay inuu usoo laabtay si usii amba-qaado dadaallada xoojinta midnimada iyo wadajirka dadka, isaga oo ku baaqay in ay waajib ah in gacmaha la is qabsado oo meel iska dhigo khilaafaadka siyaasadeed.

“Waxaan doonayaa -hadduu Ilaah yiraahdo- inaan ka shaqeeyo, xalna ka dhax raadiyo Dastuurka furan oo la doonayo in wax laga beddelo ama la dhameystiro” ayuu Farmaajo yiri.

Dhaqanka Madaxda Soomaaliya

Dhowr iyo 10-kii sano ee u dambeysay way ka sinnaayeen Madaxda Soomaaliya in ay nasiino u doontaan dalka dibaddiisa marka ay xilka dhigaan kadibna ay dib u soo laabtaan marka uu galo damac cusub oo siyaasadeed.

Madaxweyne Shariif

25-kii bishii 9-aad ee 2016-kii, waxaa dalka dib ugu soo laabtay Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed oo muddo afar sano ah nasiino kusoo qaatay dalka dibaddiisa.

Ka dib imaanshihiisa Xamar, Waxaa la filayay inuu Shariif billaabo olole siyaasadeed oo xoogan balse waxaa kusoo furmay kiiskii badda kaas oo ku noqday laf dhuun gashay kana hor istaagay inuu ka mira dhaliyo damiciisi ahaa inuu mar kale ku fadhiisto kursiga Villa Somalia.

Madaxweyne Xasan Sheekh

30-kii bishii August sannadkii 2018-kii, waxaa Magaalada Muqdisho kusoo laabtay Xasan Sheekh Maxamuud oo muddo sannad iyo lix bilood ahaa dibbad joog.

Xasan oo firfircooni kasoo qaaday nasiinada dibadda, waxa uu dib boorka uga jafay Xisbigii uu ka tirsanaa ee PDP, isaga oo ballaariyay una beddelay Xisbiga UDP.

Dhanka kale, waxa uu Xasan Sheekh ka qeyb qaatay aas-aaskii Midowga Musharrixiinta iyo Madashii Badbaado Qaran ee sida cad uga hor timid qorshihii Madaxweyne Farmaajo ku doonayay inuu sameysto muddo kordhin laba sano ah.

Ugu dambeyn dadaalkii Xasan Sheekh waa mira dhalay, waxa uuna noqday 15-kii May 2022, qofkii ugu horeeyay ee Soomaaliya ka noqdo Madaxweyne muddo laba jeer ah.

Madaxweyne Farmaajo

Soo noqoshada Farmaajo kadib sanad iyo afar bilood uu Dooxa degganaa, waxa ay muujisay sawir ah inuu soo qaatay nasiino ku filan, hadana uu diyaar u yahay inuu markale billaabo qorshihii uu ugu laaban lahaa Villa Somaliya.

Farmaajo waxa uu kulamadiisa siyaasadeed ku bilaabay Shariif Sheekh Axmed oo lagu xanto inuu ka dhaxeeyo xiriir gaar ah marna ay isku ahaayen Madaxweyne iyo Ra’iisul Wasaarihiisa.

Qoraal uu bartiisa Facebook soo dhigay, waxa uu Farmaajo ku sheegay inuu kulan wadatashi oo miro dhal ah la qaatay Shariif Sheekh Axmed.

“Waxaan ka wada hadalnay xaaladda dalka, gaar ahaan arrimaha siyaasadda iyo dooda beryahaan ka taagan wax ka baddelka Dastuurka, waxaana hoosta iskala xarriiqnay xaaladda dalka iyo arrimaha dastuurka hadda socda in ay u baahanyihiin wadatashi ballaaran” ayuu yiri, Farmaajo.

Waxa uu intaas raaciyay in ay isla garteen in lasii joogteeyo kulamada wadatashi ee lala yeelanayo siyaasiyiinta iyo qeybaha kale ee bulshada.

Wallow aysan dhaweyn in la sadaaliyo oo wali aysan jirin caddeymo muujinaya in Maxamed Cabdullaahi Farmaajo u hanqal taagayo xilka ugu sarreeya ee dalka, hadana dadka lafa gura siyaasaddu waxa ay qabaan in dhaqdhaqaaqiisu u egyahay dhaqankii looga bartay siyaasiyiinta Soomaalida ee baadi goobka Madaxtinimada markale.

Farmaajo ma wuxuu mari doonaa waddadii Xasan Sheekh ee guusha mise tii Shariif Sheekh Axmed ee ku hungoobidda hanashada kursiga Villa Somalia mar kale?

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here