Saturday, July 27, 2024

Farriimaha ay madaxda Soomaaliya iyo Masar u direen Itoobiya

Qaahira (Dawan)- Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo maalinti labaad booqasho ku jooga dalka Masar ayaa kulan la qaatay dhiggiisa dalkaas ee Cabdifataax Al-siisi.

Kulanka oo ka dhacay Qasriga Al-Itixaadiyah ayay labada Madaxweyne isku soo qaadaan arrimahii ugu dambeeyay ee Geeska Afrika gaar ahaan heshiiska ay Itoobiya la gashay Somaliland si ay u hesho Bad.

Marki kulanku soo dhamaaday ayay Warbaahinta siiyeen hadal kooban iyaga oo diray farriimo ay u muuqatay in ay ku socdeen Dowladda Itoobiya.

Madaxweynaha Masar, Cabdifataax Al-siisi ayaa marka ugu hore ugu hambalyeeyay Madaxweyne Xasan Sheekh guulihi ugu dambeeyay ee ay soo hoysay Dowladda Soomaaliya kuwaas oo kala ahaa;

Qaadistii Cunaqabatenya hubka, Deyn cafinti iyo guulihii laga gaaray dagaalka lagula jiro kooxda Al-shabaab.

Farriimaha Madaxweynah Masar, waxaa ugu muhiimsanaa;

  • Itoobiya waxa ay fursad u heystaa in ay ka faa’iideysato dekedaha Jabuuti iyo Soomaaliya iyada oo u mareysa hannaan sax ah laakin in la hareer maro xeerarka caalamiga ah sida dhacday heshiiskii Badda, dabcan ma jro qof ogolaanaya arrintaas.
  • Soomaaliya waa xubin ka mid mid Jaamcadda Carabta, waxa ayna xaq u leedahay in laga difaaco wixii halis ku ah xasiloonideeda sida uu qabo axdiga u dhigan Jaamcadda Carabta
  • Ma ogolaan doono in halis la geliyo Soomaaliya ama lagu xad gudbo.
  • Yuusan qof isku dayin inuu tijaabiyo Masar, isaga oo handadaya Walaalaheed gaar ahaan marka ay Walaaluhu naga codsadaan inaan garab istaagno.


    Madaxweynaha Xasan Sheekh ayaa isaguna dhankiisa yiri;
  • Waxaan leenahay karti iyo awoodo badan, mana ogolaanayno in dal uu naga qaato qeyb ka mid ah dhulkeena ha ahaado Itoobiya ama dal kale.
  • Iskaashiga Masar iyo Soomaaliya ee dhinacyada kala duwan ma ahan mid khatar ku ah dal kale.
  • Waxaan ku adkeyneynaa saaxiibada caalamka iyo kuwa Gobolka in ay lagama maarmaan tahay in Itoobiya ay u hoggaansanto shuruucda caalamiga ah ayna ixtiraamto madax-bannaanida dhulka Soomaaliyeed.
  • Wadahadallada aan yeelanay waxa ay muujinayaan sida ay nooga go’antahay inaan xoojino iskaashigeena dhanka siyaasadda, amniga iyo diblomaasiyadda.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here