Saturday, July 27, 2024

Felix Tshisekedi oo mar kale loo dhaariyay madaxtinimada Congo

Kinshasa (Dawan)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo, Felix Tshisekedi ayaa mar labaad loo dhaariyay inuu madaxtinimada dalkaas sii hayo shanta sano ee soo socota ka dib doorashooyinkii si weyn loogu loolamay bishii December.

“Waxaan dib u qaadanayaa ushii amarka ee aad ii dhiibteen. Waxaan dooneynaa Congo mideysan, xoog badan oo barwaaqo ah,” Tshisekedi ayaa yiri intii lagu guda jiray xafladda caleema saarka ee Sabtidii ka dhacday caasimadda.

Inkasta oo ay xiisadu ka jiraan Gobollada Bari ee dalka, waxa uu Tshisekedi doortay in xafladda caleema saarka ay ka dhacdo garoonka Shuhadada ee qaada dad gaaraya 80,000 oo qof.

Madaxweynaha Congo ayaa guul weyn ka gaaray doorashadii dhacday 20-kii December isagoo ku guuleystay in ka badan 70% codadkii la dhiibtay oo ay ka qayb qaateen 18 milyan oof qof (40%)

Mucaaradka dalka ayaa diiday natiijada doorashada

Musharixiinta mucaaradka ayaan ka soo qeybgalin xaflada dhaarinta, waxayna su’aal ka keeneen sharci ahaanshaha codeynta, iyaga oo ugu baaqay taageerayaashooda mudaaharaad lagu diidayo natiijada doorashada.

Waxaa adkaatay in la dhigo mudaaharaadyo kadib markii waddooyinka waaweyn ee dalka lagu daadiyay ciidamo inkasta oo ay Magaalooyinka Goma iyo Beni ay ka dhaceen dibadbaxyo aan sidaas usii ballaarneyn.

Musharaxiinta mucaaradka – oo uu ku jiro ganacsade Moise Katumbi oo galay kaalinta labaad kadib markii uu helay 18% ayaa diiday natiijada doorashada, wuxuuna ku eedeyay Dowladda in ay is sameysay is dabamarin iyo ku shubasho.

Dhibaatooyinka dhacay waxaa ka mid ah in aan goobaha qaar la geynin agabkii doorashada xilliyadi loogu tala galay taas oo keentay in maalin dheeraad ah lagu daro waqtiga doorashada si ay dadku u dhiibtaan codadkooda.

Martin Fayulu, oo helay 5% ayaa sheegay in la xaday codadkii dadweynaha, sidoo kale Denis Mukwege oo hore ugu guuleystay abaal marinta Nobel Peace Prize ayaa helay in ka yar 1%.

Waa kuma Felix Tshisekedi?

Marka uu jiray Da’da 55 ayuu xilka kala wareegay Joseph Kabila oo xilka hayey 18 sano. Tshisekedi, oo lagu naaneeso ‘Fatshi’, wuxuu ka dhashay qoys ladan oo ku nool Kinshasa. 1963, Aabihii wuxuu ahaa siyaasi mucaarad ku ah Dowladdi barigaas jirtay, waxa uuna Ra’iisul Wasaare soo noqday seddex xilli oo kala duwan.

Tshisekedi ayaa markii labaad ku guuleestay doorashada Madaxweeynaha dalka DRC, waxaana loo dhaariyay xilka madaxtinimada markii labaad kadib markii uu ku guuleystay 73% codadkii la dhiibtay doorashadii bishii December dhacday.

Dal hodan ah iyo Dad faqiir ah

Tirade shacabka DRC oo ka badan 100 milyan oo qof, waxay qani ku tahay kheyraadka macdanta, haddana 25% dadka waxaa soo food saartay cunto yari, qiyaastii 62% waxay ku nool yihiin wax ka yar hal dollar maalintii.

Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo, waxaa loo yaqaan magacyada kala ah Congo-Kinshasa, DRC, DR Congo, hore waxaa loo aqoon jiray dalka Zaire (1971-1997)

Congo waa waddan ku yaal Bartamaha Afrika, dhul ahaan, waa dalka labaad ee ugu weyn Afrika iyo kan 11-aad ee ugu weyn adduunka.

Dowladaha ay deris wadaag yihiin waxaa ka ka mid ah Jamhuuriyadda Congo, Jamhuuriyadda Bartamaha Afrika, Koonfurta Suudaan, Uganda, Rwanda, Burundi iyo Tanzania

Congo waxay xornimada ka qaadatay dalka Belgium 30-kii June 1960-kii.

Tshisekedi shaqadiisa ugu weyn  ee laga sugayo ayaa ah soo celinta nabadda iyo xasilloonida dalka oo rabshado khasaaro wata ay kadhacaan, iyada oo ay ku dagaalamaya in ka badan 120 kooxood oo hubeysan kuwaas oo sabab u noqday in ay barakacaan ku dhawaad ​​7 milyan oo qof. 

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here