Sunday, May 19, 2024

Fatahaadaha oo sababay in dib loo dhigo furitaanka dugsiyada Kenya

Nairobi (Dawan)- Wasaaradda waxbarashada ee dalka Kenya ayaa ku dhawaaqday in dib u dhac hal todobaad ah uu ku yimid biilaabashada sannad dugsiyeedka waxbarashada Kenya, kadib markii roobab mahiigaan ah oo geystay khasaaro ay ka da’een gobollada dalka.

Bayaan uu soo saaray subaxnimadii maanta oo Isniin ah, ayuu wasiirka waxbarashada Kenya Ezekiel Machogu ku yiri: “Saamaynta ba’an ee roobabka da’ay ay ku yeesheen qaar ka mid ah dusgiyada waxbarashada, waxey na tuseysaa inaanan khatar gelin nolosha ardayada iyo macallimiinta”

Machogu ayaa sheegay in wasaaradiisu ay go’aansatay in dib loo dhigo sannad dugsiyeedka ilaa 6-da May.

Go’aankan wasaaradda waxbarasahada ayaa ku soo aadaya kadib bur bur baahsan oo soo gaaray qaar ka mid ah goobaha waxbarashada iyada oo sidoo kale lasoo warinayo khasaare naf iyo maalba leh oo ka dhashay fatahaadaha ku dhuftay gobollada dalka Kenya.

Roobabka mahiigaanka ah ayaa galaaftay nolosha in ka badan 90 qof tan iyo bishii March halka tobaneeyo qof la la’yahay.

Sida ay sheegtay dowladda Kenya, daadadka ayaa barakiciyay 24,196 qoys oo ka kooban ku dhawaad 131,450 qof, waxaana la dhisay 50 xero oo loogu tala galay dadka soo barakacay.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here