Saturday, July 27, 2024

Fawsiya Yuusuf oo u tartameysa Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika

Muqdisho (Dawan)- Dowladda Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday in ay u sharraxday Xildhibaanad Fawsiya Yuusuf Xaaji Aadam in ay u tartanto Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika ee sanadaha 2025-2028.

Qoraal kasoo baxay Xafiiska Xukuumadda ayaa lagu yiri ” Iyadoo laga duulayo qorshaha dowladda Soomaaliyeed ee xoojinta doorka aan ku leennahay Ururada Caalamiga iyo kuwa Gobolka, ayaa waxaa Xildhibaan Fawzia Yusuf Haji Adam, ay ku matali doontaa dowladda Soomaaliya tartanka Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika (African Union Commission) ee Sanadaha 2025-2028″.

Waa Tuma Fawsiya Yusuf Xaaji ?

Fowsiya waxa ay ku dhalatay Somaliland, iyada oo dugsigeedii sare iyo Jaamacadda kusoo qaadatay dalka Suudaan oo uu aabbaheed hawlo diblomaasiyadeed kasoo qabtay.

Waxa ay raacday jidki aabaheed iyada oo noqotay diblomaasi, waxa ayna kasoo shaqeysay dhowr dal uu ku jiro Dalka Mareykanka. Intii ay ka shaqaynaysay safaaradda Soomaaliya ee Washington , waxa ay isla mar ahaantaa sii wadatay waxbarashadeedii iyada oo shahaadada Mastarka ka qaadatay Johns Hopkins School of Advanced International Studies sannadkii 1979-kii kuna takhasustay siyaasadda.

Mudadaas waxa ay is guursadeen Abuukar Liibaan oo sidoo kale ahaa Diblamaasi iyo Janaraal ka tirsanaa Ciidamadii Soomaaliya, waxa ayna isku dhaleen saddex carruur ah.

Xiili dambe, Waxa ay Fawsiya Yusuf Xaaji ku laabtay Hargeysa iyada oo damacsaneed in ay kaalin weyn ka qaadato horumarinta bulshada, waxa ayna ka mid noqotay aas-aasayaashii Jaamacadda Hargeysa oo ku jirta Jaaamacaddaha ugu waaweyn Somaliland.

Sidoo kale waxa ay Fawsiya dhidibada u taagtay Xisbi siyaasadeed oo lagu magacaabi jiray Xisbiga Nabadda, Dimuqraadiyadda iyo Barwaaqada, iyada oo qorsheyneysay in ay ka qeyb gasho doorashadii Madaxtinimo ee Somaliland sannadkii 2010.

Sannadkii 2012-kii, markii Xasan Sheekh Maxamuud loo doortay Madaxweynaha Soomaaliya, waxa uu Fawsiya u magacaabay Ra’isul Wasaare Kuxigeen iyo Wasiirka Arimaha Dibadda Soomaaliya, waxayna noqotay haweeneydi ugu horreysay ee Soomaaliyeed ee qabata xil heerkaa gaarsiisan.

Fawsiya Yusuf Xaaji ayaa ahayd haweeneyda kaliya ee ka qeyb qaadatay doorashadii Madaxtinimo ee Soomaaliya ka dhacday 15 May sannadkii 2022, inkasta oo aysan helin codad badan.

Fawsiya Yuusuf ayaa ah Guddoomiyaha xisbiga “National Democratic Party”

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here