Saturday, July 27, 2024

Xasan Sheekh oo gaaray Dhuusamareeb si loo dardargeliyo dagaalka ka dhanka ah AS

Dhuusamareeb (Dawan)- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa galabta gaaray Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Maamul Goboleedka Galamudug.

Sida ay Villa Somaliya sheegtay Safarka Madaxweynaha ee Dhuusamareeb ayaa la xariira dhammeystirka dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabbaab oo waayadii dambe laga dareemay inuu hakad ku yimid.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Maamul Goboleedka Galmudug ka dhigtay saldhig laga hago dagaalkii ay Dowladdu kula jirtay Al-Shabaab bilihii August, September iyo billlaawgi October ee sannadkii hore.

Madaxweynaha Maamul Goboleedka Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye iyo mas’uuliyiin kale ayaa garoonka diyaaradaha Ugaas Nuur ee Caasimadda Dhuusamarreeb kusoo dhaweeyay madaxweynaha Dowladda Federaalka ee Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud iyo wafdiga la socda.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here