Saturday, July 27, 2024

Blinken oo booqasho lama filaan ah ku tagay Kiev

Kiev (Dawan)- Xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka Anthony Blinken ayaa booqasho lama filaan ah ku tagay magaalada Kiev, taas oo ujeedadeedu tahay sida uu dalka Ukraine ugu muujin lahaa taageerada uu Maraykanku siiyo ee isagu jirta taageerada maaliyadda iyo hubka.

Waa booqashadii afaraad ee uu Blinken ku tagayo Ukraine tan iyo markii uu billaawday dagaalka Ruushka iyo Ukraine bishii Febraayo 2022, isaga oo hadda ku yimid tareen uu kasoo raacay Poland.

Xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka ayaa la kulmi doona madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee France-Presse .

Aqalka Cad ee Mareykanka looga taliyo ayaa Jimcihii ku dhawaaqay in kaalmo cusub oo militari la siinayo Ukraine, taas oo gaareysa 400 milyan oo doolar, iyada oo loo adeegsanayo tababarada iyo qalabka ciidaanka.

Tilaabadan ayaa ka dhigan in Mareykanku shaaca ka qaaday sadeex kaalmo oo la siinayo Ukraine in ka yar saddex isbuuc.

Marka la eego kaalmada hubka ah ee Mareykanku siinayo Ukraine, waxaa ka mid ah difaaca cirka, madaafiicda, hubka lidka taangiyada, baabuurta gaashaaman, iyo rasaasta fudud.

Dowladda Mareykanka ayaa ah dowladda siisa Ukraine taageerada militari ee ugu wayn, waxayna ku yaboohday in ka badan 50 bilyan oo dollar tan iyo markii uu qarxay dagaalka Ruushka iyo Ukraine.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here