Sunday, May 19, 2024

G/Banaadir oo guul ku billaabay tartanka ciyaaraha ee Maamul Goboleedyada

Muqdisho (Dawan)- Gobalka Banaadir ayaa maanta guul ku billaabay tartanka Kubadda Cagta ee Maamul Goboleedyada kadib markii uu hal gool iyo waxba ugu awood sheegtay Maamul Goboleedka Koonfur Galbeed.

Kulankaan ayaa ahaa kii labaad ee la ciyaaro kadib Kulankii furitaanka ee dhex maray Hirshabeelle iyo Galmudug kaas oo ku dhamaday barbar dhac hal iyo hal ah.

Ciyaariyahanka Khaalid ayaa goolka qura u dhaliyay Gobolka Banaadir daqiiqaddii 53-aad ee ciyaarta, waxaana ku adkaatay ciyaariyahanada Koonfur Galbeed in ay soo taabtaan shabaqa.

Guushaan ayaa ka dhigan in Gobolka Banaadir uu 3 dhibcood ku hoggaaminayo tartanka ilaa iyo hadda in kasta oo Jubbalanad aysan weli ciyaarin.

Hirshabeelle iyo Galmudug ayaa wada leh min hal dhibcood, halka Koonfur Galbeed aysan helin weli wax dhibco ah.

Ciyaarta maanta waxaa kasoo qeyb galay mas’uuliyiin ka kala socday Xiriirka Kubadda Cagta, Hey’adaha Dowladda Federaalka iyo Maamul Goboleeyada iyo kumanaan taageerayaal ah kuwaas oo soo buux dhaafay Garoonka Muqdisho.

Maamul Goboleedka Puntland oo wacdaro ka dhigay tartanka sannadihii lasoo dhaafay ayaa sannadkaan uga maqan tartanka khilaafka kala dhaxeeya Dowladda Federaalka awgeed.

Garoonka Kubadda Cagta ee Muqdisho ee ay dhistay Dowladda Shiinaha sannadkii 1978-dii ayaa qaada dad lagu qiyaasayo 60,000 oo qof.

Garoonka ayaa sannadkii 2011-kii saldhig u noqday Ciidamadii Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM, kadib markii laga saaray kooxda Al-shabaab, iyada oo dib loogu wareejiyay mas’uuliyaddiisa hay’adaha ku shaqada leh ciyaaraha sannadkii 2019-ka.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here