Saturday, July 27, 2024

Infographic: Dhul gariir xoogan oo ku dhuftay Japan

Tokyo (Dawan)- Dhul-gariir cabbirkiisu yahay 7.4 ayaa ku dhuftay Waqooyiga iyo Bartamaha Japan, waxaana laga casbi qabaa in ay Tsunami ka dhacdo xeebaha dalkaas.

Xukuumadda Japan ayaa amartay in shan Gobol laga daad gureeyo in ka badan 51,000 oo qof kadib markii Dhul-gariirku saameyn ku yeeshay.

Guryo badan ayaa dumay, waxaana si ku meel gaar ah u hakaday adeegyada tareenada ee Gobollada qaar.

Shirkadda Tareennada ee Bariga Japan ayaa ku dhawaaqday in ay joojisay hawlihii ay ka waday dhammaan Tohoku, Joetsu, iyo Hokuriku Shinkansen dhulgariirka awgeed, sida ay sheegtay Wakaaladda Wararka ee dalkaas.

Wakaaladdu waxa ay intaas raacisay in ilaa 32,500 guri oo ku yaal Gobolka Ishikawa ay noqdeen koronto la’aan.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here