Saturday, July 27, 2024

G/Shacabka oo aqbalay ka doodista heshiisyadii lala galay Imaaraadka iyo Itoobiya

Muqdisho (Dawan)- Xogahayaha guud ee Golaha Shacabka Soomaaliya, Cabdiraxmaan Maxamuud Cabdulle ayaa caddeeyay in Goluhu oggolaaday mooshin looga doodayo heshiisyadii amniga ee ay Xukuumadda Soomaaliya la gashay Dowladaha Imaaraadka Carabta iyo Itoobiya.

Qoraal kasoo baxay Xogahayaha oo nuqul ka mid ah uu helay Tv-ga Dawan ayaa u qornaa sidaan ” Waxaan ku caddeynaya in la qabtay Mooshin ujeedadiisu tahay codsi heshiisyadii amni ee Xukuumadda DanQaran la gashay Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Federaalka Itoobiya iyo dalka isutagga Imaaraatka Carabta”

Arrintaan ayaa kusoo beegmayasa maalin kadib markii uu Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud saxiixay xeer burinya is-afgaradkii ay Dowladda Itoobiya iyo Somaliland kala saxiixdeen 1-dii bishaan January ee dhanka Badda.

Bishaan oo kale sannadkii 2023 ayay ahayd markii Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabtu kala saxiixdeen iskaashi dhanka milatariga, amniga iyo la dagaallanka argagixisada la xiriira.

Dhanka kale billaawgii bishii December ee sannadkii tegay, ayay Wasaaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ku dhawaaqday in ay dhiggeeda Itoobiya la gashay iskaashi dhanka difaaca ah oo lagu cusbooneysiinayo is-afgaradka dhanka difaaca ah oo ay hore u wada galeen labada dowladood bishii February, 2014.

Sida ay sheegtay Wasaaradda Gaashaandigga Soomaaliya, Heshiiskaas ayaa sii xoojin doona iskaashiga dhinacyada danaha labada dal waxa uuna sidoo kale sahlayaa in si dhow la isaga kaashado xoojinta nabadda iyo ammaanka, iyada oo la dhisayo Guddiyo difaac oo wadajir ah.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here