Saturday, July 27, 2024

Ciidanka Somaliland oo xiray wariyaal ka tirsan MM Somali TV

Hargeysa (Dawan)- Agaasimaha guud ee MM Somali TV, Cabdishakur Dayib ayaa xaqiijiyay in askar ka tirsan Ciidanka Somaliland ay xalay xireen qaar ka mid ah wariyaasha TV-ga xilli ay ay ku guda jireen howlahood shaqo.

War-saxafaadeed uu soo saaray Agaasimaha ayuu ku yiri, ” Askar ka tirsan ciidanka Somaliland ayaa xalay soo weeraray Xarunta MM-TV ee Magaalada Hargeisa, Halkaas oo ay dhibaato iyo gacan ka hadal ugu gaysteen Maamulka iyo xubno ka tirsan hawl-wadeenada shaqada ku sugnaa oo kala ah:- Maxamed Abdi Ilig (Guddoomiyaha MM-TV), Ilyaas Cabdinaasir iyo Maxamed Cabdi Cabdilaahi (Andar)”

Cabdishakur Dayib, waxa uu intaas ku daray in Ciidamadu burburiyeen qalabkii yaalay xarunta qaybna ay qaateen, waxa kale oo ay joojiyeen dood ka socotay Barta Twitter-ka ee TV-ga dooddaas oo ku Saabsanayd “ Faa’iidada iyo Halista uu yeelan karo Isfahamka Badda ee Somaliland iyo Ethiopia”

Sida uu Agaasimuhu sheegay dooddaas marnaba kuma ku jirin wax dambi iyo xadgudub ah, waxaana ka qeyb gelayay Faysal Cali sheekh oo ka tirsan Xukuumadda Somaliland.

War-saxaafadeedka ayaa lagu cambaaareeyay weerarka iyo xadhiga sharci darrada ah ee lagula kacay Maamulka MM-TV iyo xubnaha shaqaalaha ah, waxaana loogu baaqay xukuumadda Somaliland in lasii daayo guddoomiyaha iyo xubnaha laga xidhay MM-TV, baadhitaana lagu sameeyo xadgudubka iyo Burburinta loo gaystay Xarunta MM-TV.

Dhanka kael, Yuusuf Garaad Cumar oo doodda ka qeyb qaadanayay ayaa tilmaamay sida uu uga xunyahay xariga wariyaasha, isaga oo ka codsaday Madaxda amarkeeda leh in ay xabsiga ka sii daayaan wariyayaasha.

Yuusf Garaad ayaa bartiisa Facebook kusoo qoray ” Maanta waxaan maqlayaa in Booliisku doodda oo socota ay u dheceen xarunta TV-ga, xabsigana ay u taxaabeen Mikiilaha Tv-ga Maxamed Ilig iyo howlwadeennada kala ah Ilyaas Cabdinaasir iyo Maxamed Cabdi Cabdillaahi (Andar).Aad ayaan uga xumahay xarigga saddexdaa dhallinyarada ah”.

Ilaa iyo hadda (11:25) war rasmi ah oo ku saabsan xariga lagula kala kacay howlwadenada MM Somali TV kama soo bxiin laamaha kala duwan ee Somaliland.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here