Saturday, July 27, 2024

Garoomada diyaaradaha ee ugu fiican Afrika sannadka 2023

Cape Town (Dawan)- Afrika ayaa noqotay sannadihii ugu dambeeyay mid soo jiidata indhaha caalamka iyada oo dhinacyada dalxiiska iyo ganacsigu ay kor u kaceen.

Arrimaha kale ee soo jiidashada leh, waxaa ka mid ah garoomada diyaaradaha caalamiga ee Qaaradda ku yaala iyo sida loo hormariyay adeegyadooda taas oo xiisa u sii yeeshay xiriirka kala dhaxeeya dunida kale.

Skytrax, oo ah hay’ad caalami ah oo la aqoonsan yahay, qiimaysana shirkadaha diyaaradaha ee adduunka, ayaa dhowaan shaaca ka qaaday warbixinteeda garoomada ugu wanaagsan Afrika 2023, sida ay sheegtay “Business Insider”.

Marka la eego qiimeynta Qaaradda ee dhanka garoomada waxaa liiska ugu horeeya kusoo baxay afar garoon diyaaradeed oo ku yaal Koonfur Afrika iyo garoomada dalalka Kenya, Itoobiya, Morocco, Rwanda iyo Mauritius.

Waa kuwan 10-ka garoon diyaaradeed ee ugu fiican Afrika 2023:

  1. Garoonka Caalamiga ah ee Cape Town, Koonfur Afrika

    Garoonka caalamiga ah ee Cape Town ayaa kaalinta koowaad kusoo baxay isaga oo leh kaabayaal casri ah kuna yaal deegaan ku wanaagsan dhinaca duulimaadka.
    Garoonkaan ayaa bixiya adeegyo raali geliyay musaafiriinta kuwaas oo nasiino dareema marka ay ka duulayaan ama kasoo degayaan, sida ay sheegeen qaar ka mid ah dadkii adeegsaday.
  2. Garoonka Caalamiga ah ee King Shaka, Koonfur Afrika

    Garoonkaan waxa uu ku yaalaa Magaalada Durban ee dalka Koonfur Afrika. Gegida diyaaradaha caalamiga ah ee King Shaka waxa uu kaalmaha ugu horeeya kasoo galay qiimeynta lagu kala saarayo garoommada caalamiga ah ee ugu wanaagsan Afrika, waxa uuna ku fadhiyaa bedka guud oo gaaraya 102,000 mitir oo laba jibbaaran, isaga oo awood u leh inuu qaabilo sannadkii 7.5 milyan oo rakaab ah.
  3. Garoonka Caalamiga ah ee Johannesburg, Koonfur Afrika

    Garoonkaan waxa uu ahaa garoonka ugu muhiimsan safarada gudaha iyo caalamiga ee Koonfur Afrika, tan iyo 2020, waxa uuna noqday garoonkii shanaad ee ugu mashquulka badan Afrika, isaga oo awood u leh in uu qaabilo ilaa 28 milyan oo rakaab ah sannadkii.
  4. Garoonka Casablanca, Morocco

    Marka laga soo tago in ku dhawaad ​​7.6 milyan oo rakaab ah adeegsadeen garoonkaan sannadkii 2022, hadana waxa uu ahaa garoonka ugu mashquulka badan Morocco iyo mid ka mid ah 10-ka garoon ee ugu shaqada badan Afrika.
    Garoonku waxa uu xarun u yahay diyaaradaha Royal Air Maroc, Royal Air Maroc Express iyo Air Arabia Maroc.
  5. Garoonka Caalamiga ah ee Mauritius

    Garoonkaan ayaa horay loo oran jiray Plaisance Airport, waxa uuna bixiya duulimaadyo toos ah oo la isaga gooshayo Africa, Asia, Australia iyo Europe.
    Goobta uu ku yaallo oo istaraatiiji ah iyo sida ay uga go’an tahay qancinta rakaabka ayaa ka qayb qaadanaysa in uu yahay mid ka mid ah garoomada caalamiga ah ee ugu wanaagsan Afrika, waxaana lagu tilmaama inuu yahay albaabka jannada laga galo, muuqaalkiisa iyo quruxda dabiiciga ee uu leeyahay awgeed.

  6. Garoonka Caalamiga ah ee Marrakesh, Morocco

    Garoonkaan caalamiga ah ayaa leh duullimaadyo badan oo Yurub ah marka lagu daro duullimaadyada ka yimaada Casablanca iyo qaar ka mid ah waddamada Carabta.
    Laga bilaabo 2024, waxa uu billaabi doona duullimaadyo ka imanaya Waqooyiga Ameerika.
    Waxa uu leeyahay dhul baaxad leh, waxaana loogu tala galay inuu qaabilo sannadkii 2.5 milyan oo rakaab ah
  7. Garoonka Diyaaradaha ee Addis Ababa, Itoobiya

    Garoonkaan waxaa hore loogu magacaabi jiray Xayle Salaase I International Airport. Waa xarunta dhexe ee Ethiopian Airlines oo ah diyaaradda rasmiga ee dalka Itoobiya taas oo isaga kala gooshta Itoobiya, guud ahaan qaaradda Afrika, Aasiya, Yurub, Waqooyiga Ameerika iyo Koonfurta Ameerika.
  8. Garoonka Caalamiga ah ee Kigali, Rwanda

    Gegida caalamiga ah ee Kigali, oo hore loo oran jiray Gregoire Kayibanda International Airport, waa madaarka ugu wayn ee bixiya adeegyada duulimaadka Kigali. Sidoo kale waxa uu muhiim u yahay Gobolkaas waayo waxaa adeegsadada dadka isaga kala goosahaya dalalka Kongo, Burundi iyo Uganda.
    Sida warbixinta qiimeynta lagu sheegay, waxaa sannadkii ku safra garoonkaan dad kor u dhaafaya 1.5 milyan oo rakaab ah.
  9. Garoonka Diyaaradaha ee Nairobi, Kenya

    Adeegyada duulimaadka ee gegida caalamiga ah ee Nairobi kuma koobna oo kaliya Magaalada Nairobi, balse sidoo kale wuxuu isku xirka Magaalooyin badan oo Bariga Afrika ah.
    Dadka adeegsada garoonkaan ayaa afar jibbaarmay, waxa uuna qaabilsa sannadkii 26.5 milyan oo rakaab ah.
  10. Garoonka Caalamiga ah ee Bloemfontein, Koonfur Afrika

    Garoonka caalamiga ah ee Bloemfontein ayaa sannadkii 2012 loogu magac daray Madaxweyne Jacob Zuma.
    Garoonkaan caalamiga ah waxa uu ku yaal xudunta dhaqaalaha ee Gobolka, isaga oo siiya adeeg garoon oo heer caalami ah in ka badan 300,000 oo rakaab ah iyo 17,000 oo duulimaad sannadkii.

    Xigasho: alarabiya

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here