Saturday, July 27, 2024

WARARKA DUNIDA OO KOOBAN

Muqdisho (Dawan)- Halkaan kala soco wararka dunida oo kooban, adiga oo faahfaahinta iyo sheekooyin kale ka heli kara bogaga aan ku leenahay Baraha Bulshada ee Dawan TV.

Gaza

Tirada dadka Falastiiniyiinta ah ee ku dhintay  weerarada joogtada ah ee ay Israa’iil   ku hayso Marinka Gaza ayaa kor u dhaaftay 20,674, sida ay sheegtay Wasaaradda Caafimaadka ee Gobalka Gaza.

Roma

Pope Francis ayaa walaac ka muujiyay xaaladda bini’aadantinimo ee Marinka Gaza, wuxuuna ku baaqay  in  la joojiyo colaadda, taas oo dhibaato ku ah nolosha dadka Israa’iil iyo Falastiin.

Turkiga

Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan, ayaa muujiyay sida ay uga go’an tahay shacabka dalkiisa  inay taageeraan dadka dulman, gaar ahaan kuwa ku go’doonsan Marinka Gaza.

Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan, ayaa yiri: Kooxaha argagixisada ee Waqooyiga Ciraaq iyo Suuriya nagama weecin  karaan yoolka aan hiigsaneyno.

Sirdoonka Turkiga ayaa  ka takhalusay hogaamiyaha ururka argagixisada ee PKK ee Waqooyiga Ciraaq, sida ay sheegeen laamaha ammaanka ee dalkaas.

Gaza

Masiixiyiinta ku sugan Marinka Qaza ee la kulmaya xadgudubyada iyo weerarrada Israa’iil tan iyo 7-dii Oktoobar, ayaa oogay cibaadadooda habeenimo,  taas oo qayb ka ah caadooyinka diimeed ee la socda Christmas-ka sida waafaqsan jadwalka Reer-galbeedka.

Falastiin

Wadaadka Diinta Masiixiga ee Quddus ayaa  farriintiisa  Christmas-ka ku muujiyay walaaca  xooggan ee uu ka qabo  dhibaatada joogtada ah ee ay la kulmayaan dadka Falastiiniyiinta.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here