Saturday, July 27, 2024

Garoowe oo marti gelineysa shir looga hadlayo arrimaha Soomaaliya

Garoowe (Dawan)- Madaxweynaha Maamul Goboleedka Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa ku dhawaaqay in magaalada Garoowe ay marti gelin doonto shir looga hadlayo arrimaha Soomaaliya iyo arrimaha khuseeya guud ahaan xaaladdaha Gobolka.

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in Madaxweynaha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu soo dhaweyay in Puntland ay marti geliso shir wadatashi ah oo lagu lafa gurao arrimaha hortebinta u leh Dowladnimada Soomaaliya.

“Madaxweynaha Soomaaliya waxa uu soo dhoweeyay gogosha Puntland, waxa uuna u xilsaaray Ra’iisul Wasaare ku xigeenka ( Saalax Axmed Jaamac) diyaarinta ajandaha gogoshaas looga hadlayo” ayuu yiri Deni oo shir jaraa’id qabtay fiidnimadii xalay.

Deni waxa uu intaas ku daray in Puntland ay diyaar u tahay inay martigeliso shirka wadatashiga isaga oo ugu baaqay madaxda kale ee dowlad goboleedyada inay aqbaleen kasoo qeyb galka shirka.

Hadalkan ayaa imaanaya iyadoo Maamul Goboleedka Puntland uusan ka qey gelin shirakii ugu dambeeyay ee Madasha Qaran kuwaas oo kala dhacay Dhuusamareeb iyo Muqdisho kadib markii khilaaf siyaasadeed soo kala dhax galay madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Dhanka kale, Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa soo dhaweeyay gogosha uu ku dhawaaqay Deni, wxuuna ugu baaqay madaxdii hore ee dalka iyo kuwa xilka haya in ay ka qayb galaan shirkaas oo ah mid muhiimad weyn u leh dalka oo xilligan maraya marxalad xaasaasi ah.

“Waxaan soo dhoweynayaa shirka Garoowe ee looga tashanayo arimaha hortebinta u leh dalka, aniga oo madaxdii hore ee dalka iyo kuwa xilka haya ugu baaqaya in ay ka qayb galaan shirkaas oo ah mid muhiimad weyn u leh dalka oo xilligan maraya marxalad xaasaasi ah”.

Farmaajo ayaa sheegay in kulankii u dambeeyey ee uu Dooxa kula yeeshay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud in ay uga wada hadleen sidii loo qaban lahaa shir wadatashi heer qaran ah oo lagu wajahayo xaaladaha taagan ee la xiriira wax ka beddelka Dastuurka, qaab dhismeelka maamul ee dalka iyo khataraha ku gedaaman madaxbannaanida iyo midnimada dalka, taas oo ah jidka keliya ee furan in la qaado.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here