Saturday, July 27, 2024

Lacag dhan $1.6 bilyan ayaa loo baahanyaahy si loo caawiyo 5.2 milyan Soomaali ah

Muqdisho (Dawan)- Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, Hay’adaha kala shaqeeya arrimaha samafalka iyo Dowladda Soomaaliya ayaa soo saaray war-saxaafadeed wada jir ah kaas oo lagu sheegay in loo baahanyahay sannadkan 2024 lacag dhan $1.6 bilyan si loogu caawiyo 5.2 milyan oo qof oo ka mid ah 6.9 milyan oo u baahan gargaar bini’aadantinimo si loo badbaadiyo noloshooda.

George Conway, Ku-xigeenka Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, ahna Xiriiriyaha Gargaarka Bani’aadamnimada ee Soomaaliya ayaa yiri, ” Marka laga soo tago jahwareerka cimilada, iska hor imaadyada, iyo amaan xumada jirta, hadana faqriga iyo cudurada sii baahaya ayaa keenaya in loo baahdo gargaar bini aadantanimo sannadkan”

George Conway ayaa ballan qaaday in ay sii xoojin doonaan howlaha wada jirka ah si gacan looga geysto dhimista baahiya iyo khataraha jira si looga hortago inay horseedaan masiibooyin kale.
2023, Soomaaliya waxaa ku dhufatay abaar argagax leh iyo roobab mahigaan ah oo aan hore loo arag oo watay fatahaado xoogan, waxaana ka dhashay barakaca malaayin qof oo Soomaali ah.

Inkasta oo xaalddu soo hagaageysay tan iyo 2023, hadana 4.3 milyan oo qof – ku dhawaad afar meelood meel dadka Soomaaliyeed – ayaa wajaha cunto yari ba’an iyada oo laba ka mid ah shantii carruur ah ee ay da’doodu ka yar tahay 5 jir ayaa la il-daran nafaqo-darro.

Qiyaastii 3.8 milyan oo qof ayaa ku barakacay gudaha dalka, waxaana dhowr degmo ka dillaacay cudurka daacuunka.

“In ka badan 80 % barokacayaashu waa haween iyo caruur waxayna wajahayaan dhibaatooyin culus oo ay tahay in wax laga qabto” ayuu yiri Maxamuud Macallin, Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliya (SODMA).

Waxa uu intaas raaciyayay in Dowladda Soomaaliya ay ka walaacsan tahay xaaladda bini’aadantinimo ee ay uga sii dartay dhibaatooyinka isbeddelka cimiladu keeneen, isaga oo hoosta ka xariiqay sida ay uga go’antahay wax ka qabashada sababaha asaasiga ah ee dhaliya dhibaatooyinka ka jira Soomaaliya.

Sannadka 2024,Hay’adaha samafalku waxay fulin doonaan barnaamijyo gargaar iyada oo diiradda lagu saarayo caawinta iyo wax u qabashada dadka ugu baahida badan ee dhibaatadu kasoo gaartay abaaraha iyo roobabkii ku xigay.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here