Saturday, July 27, 2024

Geelle iyo Erdoğan oo kawada hadlay xoojinta iskaashiga iyo xaaladda Gobolka

Antalya (Dawan)- Madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle iyo dhiggiisa Turkiga Recep Tayyip Erdoğan ayaa kawada hadalay xoojinta iskaashiga iyo xiriirka ka dhaxeeya labada dal.

Labada Madaxweyne ayaa sidoo kale isla soo qaaday xaaladaha ka taagan Geeska Afrika iyo Badda Cas.

Madaxweyne Geelle ayaa ka mid ah Madaxda ka qeyb geleysa shirka Madasha Diblomaasiyadda Antalya oo Jimcihii ka billaawday Gobolka Antalya ee Koonfurta Turkiga.

Madaxweyne Erdoğan ayaa carrabka ku adkeeyay xiriirka Turkiga iyo Jabuuti ee ku salleysan is ixtiraam iyo iskaashi qoto dheer, kaas oo ay faa’iido ugu jirto labada shacab.

Kulanka waxaa goob jooga ahaa wasiiro iyo mas’uuliyiin ka kala socda labada dal, sida ay sheegtay Wakaaladda Wararka ee Anadolu.

Madaxweynaha Turkiga, ayaa shalay daah furay shirki saddexaad ee Madasha Diblomaasiyadeed ee Antalya, iyadoo halku-dhig looga dhigay ” Muujinta Diblomaasiyadda, si looga hortago xasaradaha”, waxaana goob joog ahaa ilaa 4,600 wakiil oo ka kala socday 110 waddan, oo ay ku jiraan Madaxda Dowlado ka badan 20 waddan iyo wasiiro arrimo dibadeed kor u dhaafaya 60.

Madasha waxa looga doodaya arrima fara badan oo hadda ka taagan caalamka sida isbeddelka cimilada, argagixisanimada, dhibaatada dhanka cuntada iyo diblomaasiyadda.

Xiriirka ka dhaxeeya Jabuuti iyo Turkiga ayaa xoogeystay 10 sano ee ugu dambeeyay iyada oo shirkii shanaad ee Guddiga dhaqaalaha Turkiga iyo Jabuuti uu dhawaan ka qabsoomay Magaalada Jabuuti.

Wasiirka Gaadiidka iyo kaabayaasha dhaqaalaha ee Turkiga Cabdulqaadir Uraloğlu ayaa tilmaamay horumraka laga gaaray iskaashiga labada Dowladood tan iyo markii ay is dhaafsadeen furitaanka safaaradaha oo laga joogo muddo toban sano ah.

Wasiirka ayaa sheegay in isweydaarisaga ganacsiga ee labada dal inuu gaaray $500 milyan, isagoo carabka ku adkeeyay baahida loo qabo in lasii kordhiyo mustaqbalka dhaw.

Maalgashadayaasha Turkiga ayaa ka fuliyay Jabuuti 21 mashruuc oo qiimahoodu dhan yahay $205 milyan, waxeyna qorsheynayaan in ay sii dardargeliyaan maalgashiga iyo mashaariicda ay ka wadaan Jabuuti.

Dowladda Turkiga ayaa Jabuuti ka hirgelisay biya-xireenka Ambouli si xal waara loogu helo dhibaatooyinka ka dhasha daadadka xilliyada ay da’aan roobabka mahiigaanka ah.

Mashruuca biyo-xireeeenka ayaa bilaabmay bishii August ee sannadkii 2017-kii, waxaana la dhameeyay bishii June ee sannadkii 2020-ka, isaga oo qaadi kara 14 milyan oo mitir kuyuub ah.

Dowladaha Jabuuti iyo Turkiga ayaa dhawaan kala saxiixday 15 heshiisyo is afgarad ah oo heerar kala duwan leh, kuwaas oo isagu jira dhinacyada Difaaca, Beeraha, Dalxiiska, Deegaanka iyo Kalluumeysiga.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here