Saturday, July 27, 2024

Ethiopian Airlines oo beenisay in ay joojisay adeegsiga hawada Soomaaliya

Addis Ababa (Dawan)- Diyaaradda Ethiopian Airlines ayaa fiidnimadii Jimcaha beenisay warar ay warbaahintu baahisay oo sheegayay inay dib u habeyn ku sameyn doonto duullimaadyada si looga baaqsado adeegsiga hawada Soomaaliya ee ay diyaaraddu markii hore u isticmaali jirtay duullimaadyada isku xira Africa iyo Asia.

Galabnimadii Jimcaha, BBC qeybta ku hadasha Af-Amxaariga ayaa baahisay in shirkaddda diyaaradaha ee Ethiopian Airlines ay joojisay duullimaadyadii ay ku imaan jirtay Soomaaliya, iyadoo dooratay inay adeegsato hawada Jabuuti marka ay u gudbeyso bartamaha Asia.

Go’aanka Shirkadda ayaa ku yimid iyada ooo aan la isku halleyn karin bad qabka hawada Soomaaliya, sida ay BBC kasoo xigatay Maamulaha Shirkadda Ethiopian Airlines Mesfin Tasew.

Si kastaba ha ahaatee, Shirkadaha Ethiopian Airlines ayaa barteeda X ku shaacisay in hadalka Maamulaha Shirkadda Ethiopian Airlines ee ku saabsan adeegsiga hawada Soomaaliya uu yahay mid aan sax ahayn oo la leexiyay

“Shirkadda Ethiopian Airlines ma joojin duullimaadyada hawada Soomaaliya, isla markaana madaxa shirkadda Ethiopian Airlines ma sheegin in ay ammaan darro ka jirto duullimaadyada hawada Soomaaliya. Sidaa awgeed, waxaanu ka codsanaynaa BBC-da Amxaarigu inay saxdo warbixinta ay ka soo saartay arrintaan,” ayaa lagu yiri, qoraal kasoo baxay Shirkadda Ethiopian Airline.

BBC-da oo soo xiganeysa Mesfin ayaa sheegtay in go’aanka lagu hakiyay duulimaadka uu ka dhashay dhacdo todobaadkii hore dhacday, iyadoo diyaaradda Ethiopian Airlines oo ka duushay Addis Ababa kuna socotay Dubai ay si dirqi ah uga badbaaday inay isku dhacaan diyaaradda Qatar Airways, kadib markiii shaqaalaha hagista hawada ee Muqdisho ay siiyeen warbixin aan suganayn.

Dhacdadan ayaa ku soo beegantay iyada oo uu jiro khilaaf u dhexeeya Itoobiya iyo Soomaaliya oo ku saabsanaa heshiis ay dhawaan gaareen Dowladda Itoobiya iyo Somaliland kaas oo dhigaya in Itoobiya ay hesho 20 km oo xeeb ah si ay ugu adeegsato arrimo ganacsi iyo saldhig ciidan.

Xogta laga helay website-ka dabagalka duulimaadka ee Flight Radar24 ayaa tilmaamaysa in diyaaradda Ethiopian Airline ay duulimaadyadeedi fiidnimadii Jimcaha u adeegsatay hawada Jabuuti, inkastoo ay shirkaddu u adeegsatay duullimaadyada xamuulka hawada Soomaaliya.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here