Saturday, July 27, 2024

Geelle oo guddoonsiiyay Guddoomiyaha Baarlamaanka Carabta billadda 27 June

Jabuuti (Dawan)- Madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle ayaa guddoonsiiyay Guddoomiyaha Baarlamaanka Carabta, Caadil bin Cabdiraxmaan Billadda “27-ka June” oo ah maamuuska ugu sarreeya ee ay bixiso Jamhuuriyadda Jabuuti.

Munaasabbadda lagu bixiyay Billadda ayaa ka dhacday Qasriga Madaxtooyada Jabuuti iyada oo ay goob joog ka ahaayeen Guddoomiyaha Baarlamaanka Jabuuti iyo mas’uuliyiin ka tirsan Baarlamaanka Carabta.

Madaxweynaha Jabuuti, ayaa sheegay in Guddoomiyaha Baarlamaanka Carabta uu ka mid yahay madaxda Carabta ee mudan in la guddoonsiiyo Billaddan, isagoo u mahad-naqay doorka hormuudnimo ee uu Baarlamaanka Carabta ka qaato diblamaasiyadda sida joogtada ah loogu taageero arrimaha Carabta.

Madaxweynaha Jabuuti ayaa bogaadiyay dadaalka Guddoomiyaha Baarlamaanka Carabta, horumarka weyn ee la taaban karo ee ka muuqda waxqabadka Baarlamaanka Carabta tan iyo intii uu hormuudka u ahaa iyo mawqifyada adag ee sharafta leh ee uu ka qaatay dhammaan arrimaha Carabta oo ay ugu muhiimsan tahay qaddiyadda Falastiin.

Dhankiisa, Guddoomiyaha Baarlamaanka Carabta ayaa ka mahadceliyay Billadda la siiyay iyo maamuuska weyn ee loo sameeyay isaga oo tilmaamay in ay abaalmarintan sii saari doonto mas’uuliyad dheeraad iyo in ay sii laba jibbaaraan shaqada ay u hayan umadda Carabta.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Carabta ayaa sidoo kale bogaadiyay horumarka dhinacyada kala duwan leh ee ay Jabuuti ku tallaabsatay intii uu hoggaaminayay Madaxweyne Geelle, isagoo tilmaamay muuhimadda ay leedahay goobta istiraatiijiga ah ee ay ku taallo Jabuuti iyo sida ay ugu naalooneyso ammaan iyo xasillooni ay u istaageen shacabka iyo hoggaanka Jabuuti.

Billadda ““27-ka June” ayaa loogu magacdaray markii ay Jabuuti xorriyadda ka qaadatay Gumeystihii Faransiiska oo ku beegan 27 bisha June sannadkii 1977-kii.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here