Saturday, July 27, 2024

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Pakistan oo lagu xakumay 10 sano oo xabsi ah

Islamabad (Dawan)- Maxkamadda Pakistan ayaa maanta oo Talaadado ah ku xukuntay Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalkaas, Cimran Khan 10 sano oo xarig ah kadib markii lagu helay inuu faafiyay sirta qaranka, sida laga soo xigtay kooxda Khan u qaabilsan warbaahinta.

Cimraan Khan ayaa lagu eedeyay inuu faafiyay arrima sir ah oo Safiirka Pakistan u jooga Mareykanka uu la wadaagay xukuumada xilligi uu Cimraan ahaa Ra’iisul Wasaaraha dalka.

Sidoo kale qoraal kasoo baxay Xisbiga uu hoggaamiyo Cimraan ayaa xaqiijiyay in min 10 sano oo xabsi ah lagu xakumay Cimraan Khan iyo iyo Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Shah Maxamuud Qureshi

Xisbiga ayaa intaa ku daray in ay racfaan ka qaadan doonaan go’aanka lagu riday labada mas’uul.

Sannadkii hore, Pakistan waxa ka dhacay mudaaharaadyo rabshado wata oo gilgilay guud ahaan dalka iyadoo taageerayaasha Khan iyo ciidamada amnigu isaga hor imaadeen gooba badan.

Bishii , August 2023, Khan waxaa lagu xukumay seddex sano oo xarig ah, isagoo lagu eedeeyay inuu si sharci darro ah u iibiyay hadiyado la siiyay dowladda intii u dhaxeysay 2018 ilaa 2022.

Dalka Koonfurta Asia , oo ay dadkiisu gaarayaan in ka badan 240 milyan oo qof, ayaa diyaar garow xoogan uga jira doorashooyinka guud ee la qaban doono 8-da bisha February, balse hay’adaha xuquuqul insaanka ayaa su’aal geliyay sida loogu kalsoonaan karo in ay dhacdo doorasho daah furan maadaama xisbiga Khan laga hor istaagay inuu ka qeyb qaato doorashooyinka.

Guddiga doorashada Pakistan ayaa go’aansaday in Khan laga mamnuuco inuu ka qayb galo doorashada muddo shan sano ah.

Xisbiga ayaa sdioo kale laga mamnuucay in uu abaabulo isu soo baxyo, waxaana cadaadis la saaray warbaahinti soo tabin jirtay wararka mucaaradka, taas oo keentay in Xisbiga Khan uu adeegsadao kaliya Baraha Bulshada.

Cimraan Khan oo ahaa Ciyaartoy Cricket ayaa isu rogay siyaasi isaga oo sanadkii 2018-kii loo doortay Ra’iisal Wasaaraha Pakistan, balse waa laga xayuubiyay xilka ka dib markii codka kalsoonida loo qaaday sannadkii 2022.

Cimraan Khan ayaa xilkiisa ku waayay khilaaf xoogan oo soo kala dhex galay ciidamada Pakistan ee saameynta ku leh siyaasadda dalkaas.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here