Saturday, July 27, 2024

Geelle oo warqadaha aqoonsiga ka guddoomay seddax danjire oo cusub

Jabuuti (Dawan)- Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa maanta oo Isniin ah warqadaha aqoonsiga ka guddoomay seddax safiir oo ka kala socda dalalka Suudaan, Bahrein iyo Turkiga, isaga oo sidoo kale la qaatay kulan gaar ah oo ay uga wada hadleen xoojinta xiriirka iskaashiga dhinacayda kala duwan.

Safiirka Suudaan, Maxamed Siciid Xasan, Safiirka Turkiga, Erdal Sabri Ergen, iyo Safiirka Boqortooyada Bahrain, Shiikh Cali Bin Cabdiraxmaan Bin Cali Al-Khaliifa ayaa u gudbiyay madaxweyne Geelle nuqul ka mid ah warqadahooda aqoonsiga diblomaasiyadeed.

Dhamaan safiiradan cusub ayaa ballan qaaday inay ka shaqeyn doonaan sidii loo sii xoojin lahaa xiriirka wax-iswaydaarsiga iyo iskaashiga ka dhaxeeya dalalkooda iyo Jabuuti, sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska madaxtooyada .

Safiirka Suudaan wuxuu carrabka ku adkeeyay xiriirka dhow ee taariikhiga ah ee ka dhexeeya Suudaan iyo Jabuuti. Dhankiisa, danjiraha Turkiga ayaa ku tilmaamay muhiimadda xiriirka laba geesoodka ah ee ku dayashada mudan, iyada oo ganacsiga ka dhaxeeya labada dal uu gaaray $500 milyan 2022, taas oo ka dhigan in ka badan 10 jeer sida uu ahaa 10 sano ka hor.

Safiirka Turkiga ayaa bogaadiyay kaalinta muhiimka ah ee ay dowladda jabuuti ka qaadato xasilloonida gobolka.

Madaxweyne Geelle ayaa ballan qaaday in ay xukuumaddiisu si buuxda ula shaqeyn doonto safiiradan cusub, si ay uga mira dhaliyaan howlahooda shaqo.

Dowladda Jabuuti ayaa dadaal badan ku bixisay adkaynta xiriirka saaxibtnimo ee kala dhaxeeya dalalka dunida, waxayna inta baan diiradda saartaa iskaashiga dhanka ganacsiga, maalgashiga, nabadda iyo xasiloonida.

Jabuuti waxa ay si firfircoon uga qayb qaadataa dadaallada nabadda iyo amniga Gobolka Geeska Afrika iyada oo sidoo kale aad ugu ololeysa xoojinta iskaashiga dhanka ganacsiga iyo maalgashiga ee dallaka Bariga Afrika.

Jabuuti waa dal yar oo dhaca Geeska Afrika ayna ku noolyihiin 1.1 milyan oo qof, kaas oo xornimada ka qaatay gumeystihii Faransiiska 1977.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here