Saturday, July 27, 2024

Burcad-badeeda Soomaalida oo sii deysay markab laga leeyahy Bangaladhesh

Muqdisho (Dawan)- Burcad-badeeda Soomaalida ayaa Axadii sii daayay markab xamuul oo laga leeyahay dalka Bangladesh iyo 23-shaqaale ah oo la socday, kadib markii la siiyay lacag madaxfurasho ah, sida ay sheegtay shirkadda iska leh markabka.

Burcad-badeedda ayaa afduubatay markabka MV Abdullah, kaas oo qiyaastii 55,000 oo tan oo dhuxul ah kasoo qaaday Mozambique kuna socday dalka Imaaraadka Carabta, xilli uu marayay meel qiyaastii u jirta kun KM xeebaha Soomaaliya bil ka hor, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee France-Presse.

Afduubkan ayaa ku soo beegmay kadib markii uu yaraaday cadaadiskii ay maraakiibita ilaalisa badweynta Hindiya kuwaas oo u wareegtay dhanka Badda Cas si ay uga hortagaan weerarada Xuutiyiinta Yemen ay ku hayaan maraakiibta ku socota ama ay leedahay Israel.

Mizan al-Islam oo ka tirsan SR Shipping, oo ay leedahay shirkadda Bangladesh ee KSRM Group, ayaa u sheegay wakaaladda Faransiiska, in ay burcad-badeedka kula heshiiyeen madax fursasho, wuxuuna raaciyay hadalkiisa “wax badan kaagama sheegi karo qaddarka lacagta laakiin dhammaan shaqaalaha markabka way bad qabaan.”

Wararka qaar ayaa sheegaya in Burcad-badeedku qaateen lacag gaareysa 5-milyan oo doollar Mareykanka ah, inkastoo aysan jirin ilo madax-bannaan oo warkaas xaqiijinaya.

Afhayeen u hadlay shirkadda iska leh markabka ayaa tilmaamay in markabku u jiheystay isla shalay magaalada Dubai ee dalka Imaaraadka Carabta..

Bishii March ee la soo dhaafay, ciidamada Kumaandooska Hindiya ayaa burcad-badeed Soomaali ah ka soo furtay markabka MV Ruin, kaas oo laga lahaa Malta, waxaana afduub ahaan loo haystay tan iyo bishii December 2023.

Shaqaalihii markabka oo ka koobnaa 17 qof oo kala ahaa 9 kasoo jeeda Burma, 7 Bulgarian ah iyo hal Angola u dhashay ayaa la soo badbaadiyay iyagoo badqaba, waxaana 35 burcad-badeed ah loo qaaday magaalada Mumbai ee dalka Hindiya si loogu maxkamadeeyo.

Afduubkan ayaa ahaa kii ugu horeeyay oo ay ku guuleystaan ​​kooxaha burcad-badeeda Soomaalida tan iyo markii ay afduubteen markabkii shidaalka ee Aris sannadkii 2017-kii.

Falalka burcad-badeedka Soomaaliya ayaa sannadkii 2011-kii gaaray meeshi ugu sarreysay, inkasta oo lagu guuleystay in hoos loo dhigo kadib markii la geeyay Badweynta Hindiya maraakiib ciidan oo caalami kuwaas oo ilaaliya maraakiibta ganacsiga iyo shaqaalaha saaran.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here