Saturday, July 27, 2024

Golaha Wakiillada Somaliland oo ansixiyey Xeerka doorashooyinka isa saaran

Hargeysa (Dawan)- Golaha Wakiillada Somaliland ayaa maanta ansixiyey Xeerka Doorashooyinka isa saarka ah ee 91 iyo xeerka ururrada Siyaasadda xeer 14.

Golaha Wakiilada oo xeerarkaan ku meel mariyay qaab gacan taag ah ayaa meesha ka saaray wax ka beddelkii ay Golaha Guurtidu hore ugu sameeyeen.

Xeerkaan ayaa dhigaya in hal mar lawada qabto doorashada Xisbiyada ee  seddexda ah iyo tan ururudda oo ah 13.

Fadhiga Golaha Wakiilada waxaa goob joog ahaa 71 xildhibaan,  iyada oo ay 66 xildhibaan ogolaadeen xeerarka, halka 2 xildhibaan ay diideen, 2 kalena ay ka aamuseen.

Gudoomiyaha Golaha Wakiilada ayaan isagu codeynin.

Golaha Guurtida Somaliland ayaa 8-dii bishaan waxa ay meel mariyeen xeerka Doorashooyinka ee isa-saarka ah iyaga oo qodabada qaar ku sameeyay wax ka beddel.

Guddiga dhex-dhexaadinta ee khilaafka doorashooyinka ayaa hore usoo jeediyay in hal mar lawada qabto doorashada Madaxweynaha iyo furista xisbiyada, oo markii hore sababtay khilaaf siyaadeed oo soo kala dhex galay  xukuumadda iyo xisbayada mucaaradka ah.

Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa aqbalay  go’aanadii ay soo saareen guddiga dhex-dhexaadinta ee khilaafka doorashooyinka iyo xisbiyada Somaliland, waxa uuna ka codsaday Golaha Guurtida iyo Wakiillada in ay waafajiyaan soo-jeedinta Odayaasha Dhaqanka Shuruucda iyo Xeerarka Doorashooyinka ee Somaliland.

Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani, Cabdiraxmaan Cirro ayaa soo dhaweeayay ansixinta ay maanta sameeyeen Golaha Wakiilladu isaga oo ku timaamay tillaabo loo qaaday dhanka doorashooyinka iyo isbeddelka.

“Waxa aan hambalyo iyo bogaadin labaad u dirayaa dhammaan xubnaha Aqalka Golaha Wakiilada Jamhuuriyadda Somaliland oo maanta cod aqlabiyad ah ku ansixiyey isla markaana ku meel mariyey Xeerarka doorashooyinka isku sidkan ee dalkan ka qabsoomaya sannadkan” ayuu yiri, Cirro

Cirro ayaa intaas ku daray “Tareenkii Doorashooyinka iyo isbedddelku wuu dhaqaaqay, cid kasta oo is hor-taagtana wuu jiidhayaa!”

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here