Saturday, July 27, 2024

Xiriirka kubadda cagta oo sheegay in aan lasii wadi karin tartanka M\goboleedyada

Muqdisho (Dawan)- Xiriirka Kubadda Cagta ee Soomaaliya ayaa maanta go’aano iyo talo soo jeedin kasoo saaray xiisadda ka taagan habssami u socodka tartanka Maamul Goboleedyaad kadib markii dhibaato loo geystay ciyaartoydooda darteed uu Maamulka Koonfur Galbeed uga baxay tartanka.

Warsaxafadeedka kasoo baxay xiriirrka ayaa u qornaa sida soo socota:

Waxaa maanta oo taarikhda tahay 15-ka January 2024 shir iskugu imaaday Xubnaha gudiga fulinta Xiriirka Somaliyeed iyo Xubnaha Ururadda kubadda Cagta Maamul goboleedyadda iyo Gobolka Banaadir si looga wadda hadlo arimaha Ciyaaraha Tartanka Maamul Goboleedayadda iyo Gobolka Banaadir oo bilowday 29-ki Bishii December 2023.

Hadaba, Shirka Maanta oo ah mid looga wada hadlay xaladda guud ee tartanka waxaa laga soo saraay go’amadda soo socdo oo kala ah:-

1.Xiriirka Somaliyeedee kubadda Cagta waa Hay’adda ugu Sarreeysa ee aamusha Kubadda Cagta dalka guud ahaan una leh awood soo abaabulidda, farsamadda dajinta Xeerarka Maamulka Kubadda cagta guud ahaan dalka.

2. Xiriirka Somaliyeed ee kubada Cagta waxaa Mas’uuliyad ka saaran tahay badqabka dhamaan Ciyaartoyda, Saraakiisha Ciyaaraha (Garsoorayasha kubadda Cagta,) Saraakiisha abaabulidda Ciyaaraha (Gudiga tartamadda), Taageerayaasha Ciyaaraha ee soo galo Garoomadda Kubadda Cagta iyo dhamaan ka soo qeybgalayaasha dhacdooyinka Ciyaaraha uu soo abaabulo Xiriirka Somaliyeed ee kubadda Cagta.

3. Xiriirka Somaliyeed ee kubadda Cagta waxuu cambaareynayaa kana soo horjeeda falka xumaa ee lagu kacay Baska Ciyaartoyda Kooxda Xulka Kubadda Cagta ee Koofur galbeed, falkaas oo ah mid ka baxsan sharuucda iyo qanuunadda u degsan Kubadda Cagta kana soo horjeeda Xeerarka Maamulka kubadda Cagta iyo Dastuurka Xiriirka Somaliyeed ee kubadda Cagta.

Waxaa sidoo kale War saxaafadeedkaan uu Xiriirka Somaliyeed ee kubadda Cagta ku soo jeedinayaa qodobadda soo socdo;

1. Xiriirka Somaliyeed ee kubadda Cagta waxuu soo jeedinayaa in Ciyaaraha tartanka Maamul goboleedyadda muhiim tahay in aan la ciyaari Karin inta laga helaayo habka masuuliyadda tartanka oo ay Muhiim tahay la helo Masuuliyad wadareedka xaga Amniga maamulidda iyo garoomadda kubadda Cagta

2. Sida horay loogu soo abaabulay ciyaaraha tartanka Maamul goboleedyadda iyo Gobolka Banaadir Waxaa lagama maarmaan ah in Xiriirka Somaliyeed ee kubadda Cagta, Wasaradda dhalinyaradda iyo Ciyaaraha Maamulka Gobolka banaadir iyo Hey’addaha Amniga Dowladda Federalka Somaliya ee masuuliyad ka saran tahay tartanka Ciyaarahaan lana cadeeyo Masuuliyad waddareedka guud ahaan tartanka.

3.Iyadoo laga duulaayo dhibaatoyinka kadhacay Ciyaaraha inta ay socdeen waxaa Xiriirka Somaliyeed ee kubadda Cagta waxuu kula talaniyaa dhamaan bulshadda jecel kubadda Cagta in ay tahay mid isdhexgal ah, mid nabadeed iyo mid bulshadda isku keento kana reeban in loo isticmaalo waxkasta oo ka baxsan sharuucda u degsan kubadda cagta guud ahaan dalka.

4. Waxaa sidoo kale soo jeedinayaa Xiriirka Somaliyeed ee kubadda Cagta sida horay u balan qaaday wasaradda dhalinyaradda iyo Ciyaaraha in ay helaan Xuquuqda lacagaha laga qaado taageerayaasha oo ah (Gate Collection tickets) oo la siinaayo Kooxaha Xulalka Maamul goboleedyadda iyo Gobolka Banaadir ciyaarihii la soo dhaafay oo ah 8 Ciyaarood iyo si lamid ah (Saaraakhiisa Ciyaaraha ee tartaanka)

5. Xiriirka Somaliyeed ee kubadda Cagta waxuu sidoo kale soo jeedinayaa in aan la siyaasideynin Ciyaaraha sidoo kale aanan loo heybsheegan si lamid ah Ciyaaraha waa mid isdhexgal bulsho oo ah mid nabadeed oo u siman dhamaan bulshadda Somaliyeed ee jecel kubadda Cagta

6. Ugudanbeyn waxuu xiriirka Somaliyeed ee kubadda cagta soo jeedinayaa in aan la ciyaari doonin Ciyaarta dhici laheyd berito ilaa laga helo Masuuliyad waddareedka tartanka Ciyaaraha Maamul goboleedyadda iyo Gobolka Banaadir sidda qodobadda kore ku xusan eey ku caddahay.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here