Saturday, July 27, 2024

Golaha wasiirada Puntland oo la ansixiyay lana dhaariyay

Garoowe (Dawan)- Golaha Wakiillada Maamul Goboleedka Puntland ayaa cod aqlibayad ah ku ansixiyay Goalaha Wasiirada cusub ee uu dhawaan soo magacaaabay Siciid Cabdullaahi Deni.

Ma jirin cid diiday ama ka aamustay 54-ka xildhibaan ee goob joogga ahaa kulanka maanta, waxaana sidoo kale la meelmariyay qorsha siyaasdeedka xukuumadda Puntland ee uu soo bandhigay Siciid Deni.

Golaha Wasiirada Puntland ayaa ka kooban 21 wasiir, 22 Wasiiro ku xigeen iyo 14 wasiiro dowle.

Anixinta kadib Xubanha Golaha Wasiirada ayaa lagu dhaariyey Madaxtooyada Maamul goboleedka Puntland.

Golaha Wasiirada waxa kasoo muuqday siyaasiin caan ka ah Puntland, Wasiiro hore ula soo shaqeeyay Deni oo Wasaaradahoodi xajistay sida Cabdi Faarax Siciid Juxa, halka uu ku jiro Maxamed Cabdiraxmaan Faroole oo ka mid ahaa musharrixiintii u taagneed madaxtinimada Puntland.

Siciid Cabdullaahi Deni ayaa guul weyn ka gaaray doorasho dadban oo 8-dii bishii January ee 2024 ka dhacday Garoowe ayna kula tartameen 10 musharrax oo kale.

Doorashadii 8-dii January ee dib loogu doortay Deni ayaa Puntland ka saartay xaalad hubanti la’aan ah oo sannadkii ugu dambeeyay ay ku jirtay, dibna ugu soo celisay xasilloonidii uu maamulkaas caanka ku ahaa.

Xukuumadda iyo Mucaaradka ayaa isku khilaafay sida loo qabanayo doorahada iyada oo la isku hayay in la aado doorashao qof iyo cod ah iyo in lagu galo doorashada hannaanakii lagu geli jiray ee beeluhu soo xuli jireen 66-ka Xildhibaan ee Baarlamaanka.

kadib markii khilaafku gaaray meel sare, waxaa soo fara geliyay Isimada kasoo jeeda Puntland iyo Beesha Caalamka, taas oo keentay in Siciid Deni ka laabtay go’aankiisi ahaa inuu qabto doorasho toos ah.

Maamul Goboleedka Puntland waxaa dhidibada loo taagay 1998-kii, taas oo ka dhigtay maamulkii ugu horreeyay ee federaal ah oo dalka laga hirgeliyo.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here