Friday, March 1, 2024

Hadal-jeedinta Madaxweynaha ee Furitaanka Kalfadhiga Baarlamaanka

Muqdisho (Dawan)- Guddoonka Labada Aqal ee Baarlamaanka, Xildhibaanada iyo Sanatarada Sharafta Leh, Mudanayaal iyo Marwooyin, Assalaamu Caleeykum Waraxmatulaahi Wabarakaatuhu.

Maanta oo ay bishu tahay 25-ka Nofeembar, 2023, waxaa ka soo wareegtay muddo 18 billood ah maalintii aad ii doorateen xilka Madaxweynaha Dawladda Federaalka Soomaaliya.

Maalintaa dalkaan waxaa ka jiray duruufo adag oo dhinacyo badan lahaa, kuwaas oo isugu jiray kuwa ah dhanka gargaarka, nabadgelyada, dhanka dhaqaalaha, caqabado dhanka xasiloonida siyaasadeed ahaa, kuwa adeegga bulshada la xiriira, kuwa ay sababeen Isbeddelka Cimilada iyo qaar kale oo badan.

Aniga oo kaashanaya Xukuumadda, Labada Gole ee Baarlamaanka, Madaxda Maamul Goboleedyada iyo saaxiibada caalamka , waxa aan qaadanay tallaabooyin wax ku ool ah, oo aan wax uga qabanayno duruufahaa adkaa iyo caqabadihii jiray, ee aannu dhaxalnay.

Waxa aan jecelahay in aan halkan idiin kula wadaago qeyb ka mid waxqabadkii aan muddadaa ku tallaabsannay.

Laakiin inta aanan taa u gudbin ka hor, waxa aan jeclahay in aan xuso xaaladda adag ee dalkeenna ka taagan, ee ay keeneen daadadka ka dhashay isbeddalka cimilada.

Waxa aynu aad uga xunnahay in ay daadadkaas sababeen qasaaro laxaad lehoo dhimasho, dhaawac, barakac iyo burbur dhaqaale oo baaxad weyn leh.

Dawladda Soomaaliya inta karaankeeda ah waxa ay garab istaagaysaa dadweynaha waxyeeladu soo gaartay oo ay si buuxda ugu howlan yihiin hay’adda SoDMA iyo hay’adaha caalamka ee na garab istaaga.

Waxaanan ugu baaqayaa shacabka Soomaaliyeed iyo beesha caalamkaba in ay labalaabaan gurmadka iyo taakulaynta ay u samaynayaan dadka ku tabaaloobay musiibadan.

Saamaynta isbeddalka cimilada waa mashaqo caalami ah, khatar badanna ku hayso jiritaanka noolaha oo idil. Laakiin, inaga ka ummad ahaan waxaa inoo dheer nugayl dhanka kaabayaasha dhaqaalaha ah, iyo hab nololeedka bulshadeena, oo ku tiirsan, nolol toos ula xiriirta cimilada, sida dhaqashada xoolaha iyo tacbashada beeraha.

In kasta oo aan adduunyada kula xisaabtamayno aafooyinka sababay isbeddalka cimilada oo uu dalkeennu wax ku lahayn haddane dhibbane weyn u yahay.  waxa aynu u baahanahay in aan ka fekerno sidii aan wax uga baddali lahayn qaab nololeedka bulshadeena.

Walaalayaal, haddii aan u soo noqdo in aan idiinla wadaago qaar ka mid ah wixii innoo qabsoomay muddadii 18-ka billood ahayd, ee la soo dhaafay.

Waxa aan ugu horeeyntii ku billaabayaa guulaha aan ka soo hoynay dhanka nabadgelyada iyo xasilinta dalka:

  1. NABADGELYADA IYO XASILLOONIDA:

Walaalayaal,ammaanka iyo nabadgelyada waa waxa ugu muhiimsan ee ay tahay in ay ummadi haysato. Dadka Soomaaliyeed waxaa ay garawsadeen in cadawga ugu weyn ee hortaagan horumarkooda ummadnimo uu yahay Khawaarijta dooxatada ah ee curyaamisay noloshoodii. Waxaa dadka Soomaaliyeed u caddaatay in ay lagama maarmaan tahay in ay cadawgaa, meel uga soo wada jeestaan, iskana xoreeyaan; waddada iyo tubta kaliya ee ay isaga xoreyn karaan cadawgana ay tahay in ay naf iyo maalba u huraan si ay karaamadooda dadnimo iyo noloshooda u soo ceshadaan.

Dawladda Soomaaliyeed oo ka jawaabaysa baahida nabadgelyo iyo dareenka iyo niyadda ay shacabka Soomaaliyeed ugu heellan yihiin in ay iska xoreeyaan khawaarijta, ayaa waxaa ajendaha koowaad ay ka dhigatay la dagaalanka argagixisada, iyada oo qaadday dagaal furimo badan leh oo dalka looga xoreeynayo argagixisada dhiigga shacabka iyo dulaynta ummadda bannaystay.

Waxa ay dawladdu isukeentay culimada Soomaaliyeed oo shacabka si xeeldheer ugu sharxay aydiyaloojiyadda iyo fekerka gurracan ee argagixisada Alshabaab, kuna sifeeyay waxa ay yihiin oo ah Khawaarij duullaan ku ah qiyamka diinta Islaamka ee uu ugu horreeyo ilaalinta nafta Ilaahey xurmeeyay, iyaga oo bannaystay daadinta dhiigga shacabka Soomaaliyeed ee Muslimka ah.

Waxaa Alle mahaddii ah in aanan shacabka Soomaaliyeed maanta lagu qaldi karin fahamka iyo afkaarta argagaxiso iyo xagjirnimo ee Khawaarijta ay ka diin dhigatay, dadkana ku dullaysteen..

Waxaa dagaal ba’an lagu qaaday baaddii ay argagixisadu ka qaadi jirtay shacabka Soomaaliyeed; waxa aynu xirnay xisaabaadkii, koontooyinkii iyo shabakadihii ay baadda ku qaadayeen.

Waxa ay ciidamada ammaanku dadweynaha ku dhiirrigeliyeen in ay diidaan baadda maaliyadeed ee Khawaarijta, taas oo si weyn loogu guuleeystay. Tani waxa ay noqotay waxqabad ay shacabka Soomaaliyeed iyo adduunyaduba  ka marqaati kaceen.

Walaalayaal, waxaad og tihiin in ciidamadeenna qalabka sida oo kaashanaya xoogagga difaaca shacabka ay qaadeen dagaallo xooggan oo Khawaarijta looga xoreeynayo deegaanno badan oo dalka ah. Waxaa muddo kooban aan ku guuleeysannay in aan xoreeyno in ka badan 80 degmooyin iyo tuulooyin isugu jira, oo dowlad-goboleedyada Hirshabeelle iyo Galmudug ku yaalla.

Waxaan hambalyo iyo bogaadin u dirayaa madaxda iyo shacabka labadaas dowlad goboleed. Waxaan sidoo kale bogaadinayaa madaxda iyo shacabka dowladaha K/Galbeed iyo Jubbalanad ee culeyska fatahaadaha ka sokow dadaalka dheeriga ah ka muujiyay la dagaallanka khwaarijta.

Waxaa Alle mahaddii ah in maanta dhulka la xoreeyay uu bed ahaan ka weyn yahay dalal waaweyn oo dunida yaal.

Waxa aanan marna la halmaami karin wiilasheenna Soomaaliyeed halyaynimada iyo nafhurista ay kala hortageen cadawgii Khawaarijta ee dhiigga shacabkeena sannadaha badan daadinayay, iyo weliba kumannaanka kun ee maanta u taagan difaaceenna.

Nabadda iyo xasiloonidda sida weyn looga dareemayo caasimaddeena, waxaa har iyo habeen u taagan halyeeyo Soomaaliyeed oo u dhaartay in ay noqdaan kuwa lagu seexdo ee aanan seexan.

Dagaal kasta oo xajmigaan leh iyo duruufaha waaqaceed ku gadaaman, waxaa mar kasta jiraya qasaarooyin imanaya, oo ay tahay in wax laga barto, tabo iyo xeelado cusubna laga qaato.

Waxa aanan marna xukuumadda iyo shacabka Soomaaliyeed aysan halmaami doonin halyeeyadii ku shahiiday dagaalkan muqaddaska ah ee dalkeenna iyo dadkeennna lagu xoreeynayo.

Waxa wiilashaa ay naftooda u hureen in shacabka Soomaaliyeed uu nabadgelyo helo, oo ay sharaf, cisi iyo karaamo ku noolaadaan. Waxaa sidaa si la mid ah aanan marna la halmaami doonin halyeeyadii iyagana ku dhaawacmay difaaca dalkooda iyo dadkooda.

Khawaarijtu marna ma aha koox in la is-horfariisto, oo laga wada hadlo masiir dal iyo ummad naga dhexeeyo. 

Khawaarijta Alshabaab waa koox aaminsan fekred sumaysan oo diinteennii Islaamka ee xaniifka ahayd duullaan ku ah, karaamadeennii iyo jiritaankeennii ummadnimana halis ku ah.  In aan iska xorreeyntooda meel uga soo wada jeedsanno, waa lagama maarmaan waqtigeedii galay maanta.

Walaalayaal, waxaa aan muddo dhexjoogay, oo aan tagay jiidaha iyo furimaha hore ee ay ka socdaan dagaalada dalka looga xoreeynayo Khawaarijta. Waxa aan indhahayga ku soo arkay duruufaha adag iyo baahida ballaaran ee ka jirta deegannadaa la xoreeyay. Dagaalada dalka looga xoreeynayo cadawga Khawaarijta, waxaa barbar socda barnaamijka xasilinta goobihii la xoreeyay. Waxaa goobahaa laga bilaabay adeegyo dadka la gaarsiinayo oo ay iska kaashanayaan wasaaradaha caafimaadka, waxbarashada, caddaaladda iyo dastuurka, arrimaha gudaha iyo amniga iyo kuwa kale oo badan.

Mudanayaal iyo Marwooyin –  waxa aad la socotaan in aynu ku gudajirno in aan si buuxda ula wareegno adeegga amniga dalkeenna dhammaadka sannadka 2024ta, oo ay hadda muddo sannad ah ay naga xigto. Waxaa Alle mahaddii ah in aynu ku guuleeysannay in aan tababar degdeg ah siinno in ka badan 15,000 oo ciidan ah, kuwaas oo dalka dib ugu soo noqday, kuna biiray ciidankeenna qalabka sida ee u taagan difaaca dalkeenna. Hawsha dibudhiska ciidanka qaran waa mid aad u culus, laakiin waxaa xukuumadda ka go’an in tirada ciidanka ee hadda jirta la labalaabo, si weyna loo tayeeyo, si ay ugu filnaadaan sugidda ammaanka dalkeenna. Waxa aanu ku guuleeysanay in caalamku nala fahmo in ay lagama maarmaan tahay in Soomaaliya la ga qaado cunaqabataynta hubka, taas oo saarnayd 31-kii sanno ee la soo dhaafay.

Haddii aynu ku guuleeysanno, tani waxa ay fursad inoo siinaysaa in aan si wanaagsan u casriyeeyno ciidankeenna, una helno hub iyo qalab ku filan oo ay ku difaacaan dadkeena iyo dalkeena.

Waxa aan doonayaa in aan halkaan ka ballanqaado in aan sii xoojinayno dagaalka dibuxoreynta dalka, aniga oo mar dhaw, ku laaban doono goobaha dagaalka.

Soomaaliya oo aanan laga xoreeynin Khawaarijta marna magaari karto meel ay dawladnimo iyo xasillooni ku naaloon karto

  • HORUMARINTA DHAQAALAHA IYO ADEEGGA ARRIMAHA BULSHADA:

Waxaa wax lagu farxa ah in labada todobaad ee soo socota gudahood, haddii Alle idmo, uu caalamku go’aami doono in Dawladda Soomaaliyeed ay soo buuxisay dhammaan shuuridihii deyncafiska, sidoo kalana la qiray in dalkeennu leeyahay hay’ado maaliyadeed iyo kuwa maamul oo ku dhisan sharciyo, xeerar iyo hannaan casri ah, laguna aamini karo in ay caalamka la geli karaan iskaashi maalgeshi iyo mid wax wadaqabsi.

Baarlamaanku waxaa uu qeyb weyn ka ahaa geeddisocodkaas guushan lagu soo gaaray, isaga oo ansixiyay dhammaan sharciyadii halbeegyada u ahaa hannaanka deynta iyo cuna qabateynta hubka labadaba.

Waxaa uu sidoo kale korjoogtayn iyo dabagal joogta ah ku hayaa nidaamka maaliyadeed ee dalka iyo hay’adihiisaba. Arrinkaas oo aan ku bogaadinayo baarlammaanka iyo hoggaankiisaba. Mudanayaal iyo marwooyinka marxalad adag ayaad ka gudbiseen dalka kuwa kale oo badanna waa idin sugayaan. Sidii hore oo male waxaa looga gudbi karaa xaaladaha adag dhiirranaan iyo isku kalsoonaan oo aan hubo inaad leedihiin.

Baarlammaanka Soomaliyeedow Walaalayaal, waxa aad la socotaan in uu soo kobcayo dhaqaalaha  dalkeena; afartii bilood ee ugu dambaysay waxaa dakhliga gudaha uu kordhay 25%, tani waxaa ay ku timid hawl hufan oo la qabtay, waxaana ay sababtay in miisaaniyadda dowladda ee sannadka 2024 ay gaarto in ka badan hal bilyan oo dollar, inkasta oo kab caalami ah ku jiro. Waxaa sidaa si la mid ah ay dowladdu u istaagtay hoos u dhigidda halbeegga saboolnimada dadweynaha 15%.  wax isbaddal dhab ah laga sammeeyay adeegyada dadweynaha ee dalkeenna. Waxa aad la socotaan in ay xukuumaddu shaqaaleeysiisay 3,000 oo macallimiin tababaran ah, kuwaas oo ka hawlgalay deegaanno ka kala tirsan dowlad-Goboleedyada Dalka iyo Gobolka Banaadirba si ay uga qeybqaataan baahinta tacliinta ubadkeennu u baahan yahay.

Waxaa miisaaniyadda sannadkan ku jirta in 3,000 kale oo macallimiin ah iyagana la shaqaaleeysiiyo, iyaga oo lagu qaadan doonno hannaankii hufnaa ee loo maray shaqaaleysiinta saddexdii kun ee hore. Waxaa aad u kordhay adeegyada kale ee dadweynaha oo idil, ha ahaato adeegga caafimaadka, garsoorka iyo caddaaladda iyo adeegyada kalaba.

  • XIRIIRKA IYO SIYAASADDA ARRIMAHA DIBADDA:

Sida aan horeyba u ballanqaadnay Soomaali dunida la heshiis ah, waxa aanu ku tallaabsanay in aan xoojinno xiriirka aan la leenahay caalamka. Waxa aan waddamada deriska iskaashiga kala samaynay ladagaalanka argagixisada Khawaarijta. Waxa aynu sannad gudihii ku guuleysannay in aan ku biirno Ururgoboleedka Iskaashiga Bariga Afrika, oo aan shalay noqonay dalkii 8-aad ee ku biiray.

Urur goboleedka Iskaashiga Bariga Afrika oo ay ku nool yihiin dad ku dhaw 300 oo milyan, waxa ay fursad weyn u tahay sii xoojinta nabadgelyada, deganaanshaha iyo koboca dhaqaalaha ee dalkeenna. Si gaar ah waxa ay fursad ugu tahay bulshadeena oo caan ku ah firfircooni iyo hal-abuur dhaqaale. Furasdahaa waaweyn ee jira, waxaa la socda in aan dadkeenna u diyaarinno loollanka iyo tartanka dhaqaale ee ka jira Bariga Afrika.

Waxa aan bilownay ololaha ay Soomaaliya ugu jirto xubin ka noqoshada Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay sannadka 2025-2026, iyada oo aan haysano taageerada saaxiibbo badan oo caalami ah.

Haddii ay jirtay in muddo badan Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay uu ahaa madal ay talada Soomaaliya miiskooda saarnayd, waxa aan hadda ka shaqeyneynaa in ay Soomaaliya miiska talada fariisato, waxna ku yeelato talada ammaanka caalamka.

Sidoo kale maalmaha soo socda waxaa ay Soomaaliya hoggaamin doontaa, haddii Alle idmo, shirweyne caalami ah oo aynu dawladaha aanu saaxiibka nahay ugu bandhigeeyno habka aan dooneeyno in dalkeenna looga kaalmeeyo arrimaha amniga, iyada oo hoggaanka ay u haynayso Dawladda Soomaaliya.

  • XAALADDA SIYAASADEED EE DALKA:

Walaalayaal laga soo billaabo maalintii xilkaan la ii doortay ilaa iyo hadda, waxaa xukuumadda ka go’nayd in talada dalka lagu wado si waafaqsan shuruucda dalka, xeerinaysana duruufaha iyo baahiyaha ummaddeenna ay qabto.

Muddadaa waxaa aan saxiixay 12 Hindise Sharciyeed iyo 2 miisaanyad sannadeed oo ay labadiina Gole Baarlamaan  aad ansixiseen, oo maanta sharciyo taabbagalay oo haga hay’ado muhiim u ah adeegga ummaddeenna.

Waxaa hindise sharciyeedyadaa isugu jireen kuwa la xiriira nidaamka dawladnimada iyo adeegga arrimaha bulshada, kuwa aasaas u ahaa dhamaystirka hannaanka dayncafinta, kuwa ku shaqa lahaa nabadgelyada iyo sugidda ammaanka. Waxa aan tusaale u soo qaadan karnaa hindise sharciyeedyada golayaashani ansixiyeen midkii Hay’adda Nabadsugidda Qaranka iyo Hindise Sharciyeedka la Dagaalanka Argagixisida. Waxa aan halkaan aad u sii adkeynayaa ahmiyadda weyn ee Baarlamaanka uu u leeyahay taabbagelinta dawlad ku dhaqanta sarreynta sharciga.

Sidoo kale muddadii 18-ka bilood ahayd, waxa ay Golaha Wadatashiga Qaranku kulmeen  TODDOBA jeer, iyaga oo ka arrinsanaya arrimo muhiim ah, oo masiirka dalka la xiriira sida: dib-u-habaynta garsoorka, xadeynta awoodaha dawladda federaalka iyo dawladaha xubnaha ka ah dawladda federaalka; hannaanka naqshadda amniga qaranka (National Security archetecture), hannaanka maaliyadeed ee dalka, nidaamka doorashooyinka iyo qaar kale oo muhiim ah.

Heshiisyada uu gaaray Golaha Wadatshiga Qaranka ayaa sidoo kale waxaa ka mid ah in uu soo jeediyay in isbeddel lagu sameeyo qodobbo ka mid ah Dastuurka Kumeelgaarka ah ee dalkeenna oo dib u eegistiisu muddaba soo socotay.

waana arrin dastuuri ah  nagu in dib u eegista la soo gabagabeeyo iyadoo waddo sax ah loo marayo lana tixgelinayo duruufaha aan ku sugannahy. Heshiis siyaasadeedka GWQ waxaa loo gudbiyay xukuumadda Federaalka oo u gudbisay guddiga la socodka iyo hergelinta dastuurka ee baarlammaanka, si ay u horkeenaan Golayaasha Baarlamaanka.

Mudanayaal iyo Marwooyin, dastuurkeenna kumeelgaarka ah waxaa la ansixiyay 2012, isaga oo qabya ah. Waxay ahayd in la qabyo tiro mudda xileedkii baarlammaanka 9aad. Duruufaheenna xilligaa jiray waxaa ay ahaayeen kuwa aad u adag, marka la barbardhigo marxaladda uu dalkeennu maanta marayo. Xilligaa ma jirin Maamul Goboleedyo marka laga reebo Puntland; mana jirin laba Gole Baarlamaan oo matala shacabka Soomaaliyeed. Nasiib wanaag, maanta dalka waxaa uu si weyn uga hormarsan yahay marxaladdii uu ku sugnaa xilligii dastuurkaa kumeelgaarka ah la ansixinayay. Waxa aannu maanta leennahay Maamul Goboleedyo dhisan; waxa aynu leennahay laba Gole Baarlamaan oo maanta iyaga oo kulansan aan hortaaganahay. Isbeddelka ku yimid xaaladdeenna dhaqan-dhaqaale, iyo kuweenna hay’ado dawladeed ayaa daruuri ka dhigeya in isbeddelkii lagu ballamay ee naga soo daahay lagu sameeyo qodobo dastuurka kumeelgaarka ka mid ah, si loo xoojiyo horumarka dawladnimo ee aan gaarnay iyo kan aan hiigsanayno.

Mudanayaal iyo marwooyin, baarlammaanka Soomaaliya markii uu ansaxiyay shurrucdii loo baahnaa waxaa ka dhashay in dhawaan deynta oo la cafiyo, iyo cunaqabateynta hubka oo nalaga  qaadayo iwm. 

Dib u eegista dastuurkana waxaa ka dhalan doona Soomaaliya oo loo arko dal iska jaray dabarkii Nuglaanta oo shaki badan abuurayay .

Ujeeddada qodobada la baddalayo ayaa ah in dhidibada loo sii adkeeyo hannaanka dimoqoraadiga ah ee dalkeenna, nidaamka federaalka ee aynu ku dhisannahay, ilaalinta xorriyadda iyo xuquuqda insaanka, dhowrista wax-wadalahaanshiyaha, wadanoolaanshaha shacabka Soomaaliyeed iyo isu-dheelitirnaanta awoodaha.

Heshiiska Madaxda Golaha Wadatashiga Qaranka ee ku saabsan Nidaamka Hoggaanka iyo Doorashooyinka waxa ay ku timid ka dib markii la isla gartay in nidaamka hadda jiraa uusan u jawaabi karin, lana jaanqaadi karin baahida talo iyo hoggaamineed ee waddan dimoqoraaddi ah oo horumar degdeg ah hiigsanaya. Waxaa ay mas’uuliyad naga saaran tahay in aan xoojino hannaanka dimoqoraaddiga ah, una fekerno baahida iyo waxa aynu dhaxalsiineyno jiilalka soo socda.

Waxaa aan marar badan horey u sheegay, haddana aan rabaa in aan sii adkeeyo in heshiiska golaha wadatashiga uu yahay  heshiis siyaasadeed ay wada gaareen hoggaamiyayaal ah. Waxyaabaha uu dalbanayo heshiiskaa, ee waxkabadalka dastuurka ah, waa hawl ay leeyihiin labadan Gole ee Baarlamaanka; waana wax laga eegay danta guud, oo aanan ku salaysnayn rabitaanka dadka maanta xukunka jooga iyo kuwa imaan doona.

Waxaa xusid mudan in markii golaha wadatashiga qaran ay soo gaareen heshiisyadan aan martiqaaday qaar ka mid madaxdii hore iyo hoggaamiyayaasha siyaasadeed ee dalka, si aan ugu bandhigno aragtiyaha ku qoran heshiiska golaha wadatashiga, islamarkaana uga dhageeysanno tallooyinka iyo ra’yiga ay qabaan.

Waxa aanu xoogga saarnay in khilaafaadka dhexmara dadka Soomaaliyeed lagu xalliyo wadahadal, anaga oo khibrad u leh dhaxalka colaadaha, oo aanay cidna natiijo wanaagsan ka heleynin.

Waxaan waqti iyo dadaal badan ku bixinnay in la damiyo colaadihii ka dhaca meelaha qaar sida   Laascaanood. Waxa aanu ku hawlannahay in la gaaro xabbadjoojin waarta oo ka hirgasha deeganadaas, la  isu celiyo maxaabista, dib-u-dhisna loo sameeyo deegaanada uu burburka gaaray. Wax aynu si dhow ula soconnaa xaaladda walaalaha Soomaaliland, annaga oo welwel badan ka qabna dibudhaca ku yimid doorashooyinka, kana digeyna dhibaatooyinka ka dhalan kara khilaaf kasta oo aan xalkiisa loo marin tubta sharciga, wadahadalka iyo isutanaasulka.

Waxaan sidoo kale ka xunnahay khilaafka dhiillada leh ee ka taagan Puntland, waxaanan adkeynaynaa baaqayaga ah in wadahadalka iyo u dheganuglaanta baaqyada waxgaradku ay yihiin xalka ugu habboon ee maanta jira.

Walaalayaal, waxa aynu sannadkaan u dabbaaldegnay 63 sanno oo ka soo wareegtay aasaaskii Jamhuuriyadda Soomaaliyeed. Waxa aynu sannado badan ku sifeysnayn in aynu nahay dowlad fashilantay, dawlad burburtay, iyo ummad looga aqoonsaday adduunka in ay culeys ku tahay; malaayiin qaxooti ah, malaayiin barakacayaal ah, malaayiin macaluul iyo gaajo u dhimanaysa.  Sidoo dal burcadbadeedka soo saara, dal argagaxisadu ku bulaasho iwm.

Baarlammaanka sharafta lahoow, walaalayaal Maanta waxaa la joogaa xilligii uu qof kasta oo Soomaali ah, hoggaan iyo shacabba, uu isweyddiin lahaa sida aynu isaga beddali karno muuqaalkaas liito, ee mugdiga ah.

Adkaysiga shacabka Soomaaliyeed iyo in uu soo huray wax badan oo qaali ah, waxa uu igu dhiirrigelinayaa in aan aamino in aynu muuqaalkaas baddali karno. Taasi waxa ay u baahan tahay in qof kasta isagu isdaweeyo oo ku dhiirrado tanaasulka looga baahan yahay, si aan u soo ceshano karaamadeena ummadnimo.

In kasta oo sii jiraan duruufihii adkaa, haddana tallaabooyinka aan qaadnay innaga oo wadjirna: Baarlamaan, Xukuumad, Dawlad Goboleedyo, Ciidamadeena Geesiyaasha iyo Shacabkeenaba, waxa ay ii muujinaysaa in aan ka gudbi karno marxaladdan adag ee taariikhdeena ka midka noqotay

Waxa aan u rajaynayaa kalfadhiga maanta furmaya ee baarlamaanka oo ay u yaallaan hawlo taariikhda Soomaaliyada cusub meel ka geli doona guul iyo horumar;

 Mudanayaal iyo Marwooyin, Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, kalfadhigiisa afraad waa noo furan yahay.

Mahadsanidiin

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here