Thursday, June 12, 2025

Maxaa looga hadli doonaa Madasha 15-June qabsoomeysa

Soohoyde

Gudiga qabanqaabada ee Madasha wadatashiga, oo loo madalsanyahay in ay dhacdo 15-ka bishaan June, ayaa maanta ka hadlay arimaha looga hadli doono madasha uu madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ku baaqay.

Gudoomiyaha Gudiga Qaban-qaabada, Xasan Macalin, ayaa sheegay in ay socdaan howlihii ugu dambeeyay ee qabanqaabada madasha, wuxuuna hoosta ka xariiqay in gogosha looga hadli doono qodobo muhiim ah oo ay ka mid yihiin doorashooyinka, dhammeestirka Dastuurka, amniga, iyo midnimada umadda Soomaaliya.

Gudiga qabanqaabada ayaa mar kale ku celiyeen in gogoshaan ay ku casuumanyihiin xubnaha kala ah, madaxdii hore ee dalka, qeybaha kala duwan ee bulshada rayidka, iyo culumada Soomaaliyeed.

Isaga oo ka hadlayay tabashooyinka kasoo yeeray xubnaha mucaaradka, ayuu gudoomiyaha gudiga qabanqaabada sheegay in aysan jiri karin wax sharuud ah oo ka hormari kara kasoo qeyb galka gogosha uu madaxweynuhu ku baaqay, wuxuuna ugu duur xulay xubnaha tabashada ka keenay gogoshaan oraahda ah, “Aqayaaar gar waa isku diidaa laakiin gogol iskuma diido.”

Ugu dambeyntii, gudoomiyaha ayaa sheegay in gogosha loo madalsan yahay aysan ahayn gogol laba kooxood oo iska soo horjeedo ay ku kulmayaan, balse ay tahay madal Soomaaliya u taallo oo masiirkeeda looga hadlayo.

Hadalka gudiga qabanqaabada ayaa kusoo aadaya iyadoo shalay war-saxaafadeed ay soo saartay Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed, lagu sheegay in Madasha ay dalbaneyso in 15-ka Juun ay ka soo qayb-galaan madaxda dowlad-goboleedyada dalka iyo siyaasiyiinta mucaaradka ah oo dhan.

Madashaan uu madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ku baaqayo ayaa qabsoomi doonta sida la qorsheynayo 15-ka ilaa 22-ka bishaan Juun, waxaana ay wajaheysaa dhaleeceen dhinacyo kala duwan uga imaanaya.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here