Sunday, May 19, 2024

Halkuu ku dambeeyay go’aankii lagu xiray qunsuliyadaha Itoobiya?

Muqdisho (Dawan)- Dowladda Soomaaliya ayaa xaqiijisay in uusan wali dhaqan gelin go’aankii lagu xiray qunsuliyadaha Itoobiya ee magaalooyinka Garoowe iyo Hargeysa.

Wasiiru dowlaha wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya Cali Maxamed Cumar (Cali Balcad) ayaa Dawan Media u sheegay in xogta ay hayaan ay muujineyso in wali ay furanyihiin laba qunsuliyadood, wuxuuna caddeeyay in dowladdu ay soo saari doonto go’aano la xiriira tillaabooyinka xiga

Qunsuliyadaha intaan xog ogaal u nahay wali lama xirin, dowladda Soomaaliya arrintaas talo ayay ka yeelaneysaa, go’aan kale ayaa kasoo bixi doona oo arrintaas looga jawaabayo” ayuu yiri, Cali Balacad.

Wasiirku waxa uu intaas ku daray in Soomaaliya aysan xiriirka u jarin Itoobiya laakin ay hoos u dhigtay heerka xiriirka labada dal, iyada oo safiirka Itoobiya ku amartay inuu dalkiisa ugu laabto wadatashi, waxeyna sidoo kale kala soo noqotay safiikeeda magaalada Addis Ababa.

Toban maalin ayaa laga jooga markii Golaha Wasiirada Soomaaliya ay soo saareen go’aan lagu xirayo qunsuliyadaha ay Dowladda Itoobiya ku leedahay magaalooyinka Garoowe iyo Hargeysa, iyada oo sidoo kale la faray shaqaalaha ka howl gala in ay muddo todobaad ah uga baxaan dalka.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here